Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo dilka agaasimaha idaacada Somaliweyn ku eedeeyey DFKM

February 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka DFKM ayaa waxaa dusha uga tuuray dilka Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf DFKM .Salaad Cali Jeelle waxaa uu cadeeyey in Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf uu ku howlanaa dhisida  maamul goboleedka Ex Banaadir wuxuuna ku tuhmay in ay joojisay howshii uu waday wasaarada arimaha gudaha ee DFKM wuxuuna sheegay in uu tuhun ka qabo in loo dilay abaabulka uu waday Agaasimaha Somaliweyn .

Salaad Cali Jeelle ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf waxaa kale oo uu sheegay in dilkiisa meelo badan lagu tuhmayo sida Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay  dhinaca DFKM iyo Al-Shabaab oo ku aadan dilka Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online