Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere dagaalku waa soconayaa

March 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan DFKM iyo ciidamada shisheeyey ee AMISOM , Itoobiya iyo Kenya ay sii wadi doonaa ilaa dalka ay ka saaraan ciidamadaas ku yimid Soomaaliya duulaanka

Afhatyeenka Al-shabaab Sh Cali Dheere ayaa xusay in ciidamadaan Shisheeyey ay qabsadeen Gobollada dalka Soomaaliya qaarkood qaar kalena ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan balse arrinkaas ayuu sheegay in  ay ciidanka Al-shabaab ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan

Afahayeenka Al-shabaab Sh Cali Dheer ayaa yiri Dowllada Itoobiya iyo Kenya iyo ciidamadoodu waxaa ay rabaan in dalkeena ay qabsadaan  oo bur buriyaan iyo in dadka muslimiinta ah ay gumaystaan, sidaas dartee dagaalka aan kula jirno waan sii wadaynaa ila inta ay dalkeena ka baxayaan

Ciidamo Kiinyaan iyo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya ciidamo Soomaali ah oo sheegay in ay taageersan yihiin DFKM ayaa waxaa ay xoog ku qabsadeen degaano iyo magaalooyin ay horay gacanta ugu hayeen ururka Al-shabaab, magaalooyinka ay ilaa hadda qabsadeen waxaa ka mid ah magaalada Baydhabo iyo Beledweyne iyo magaalooyin kale oo ku yaal Gobolka Gedo iyo Gobollka jubada Hoose

 

A/Cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. gumaysiga afrikada midaw mayeeli doono aakhirkana way kujabi soomaaliya guul for somalian people

Leave a comment

*