Al-shabaab oo warbaahinta geysay maanta Degmada Dayniile ee gobalka Banaadir

March 31, 2012 - Written by

Muqdisho:-Gudoomiyaha Ururka Al-Shabaab ee gobalka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan)ayaa maanta geeyey warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho qaarkood Degmada Dayniile halkaas oo shalay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada AMISOM oo kaabaya kuwa DFKM .

Saraakiil u hadalay DFKM iyo ciidamada AMISOM ayaa shalay Sheegtay in ay qabsadeen xarunta degmada Dayniile, Isbitaalka Dayniile, Garoonka diyaaradaha Dayniile iyo weliba deegaano kale taas oo noqotay mid been ah oo ka dib markii warbaahinta ay maanta geeyeen Xarakada Al shabaab .

Gudoomiyaha Ururka Al-Shabaab ee gobalka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan)ayaa ku wareejiyey wariyaasha goobaha kala ah xarunta degmada Dayniile, Isbitaalka Dayniile, Garoonka diyaaradaha Dayniile waxaana gacanta si buuxa ugu haya ciidamada Ururka Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) ayaa waxaa uu saxafiyiinta galabta uu soo tusay qaybo ka mid ah dhismayaasha Isbitaalka Dayniile oo ay ku dhaceen madaafiic wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ay si weyn ugu jebiyeen ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM ooo ay weheliyaan kuwa DFKM ayaa shalay duulaan ku qaaday Dagmada Dayniile waxaan halkaas ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaaro kala duwan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online