Askari ka tirsanaa Ciidanka sirdoonka Puntlland PIS oo xukun lagu riday

March 2, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa shalay Maxkamadda ciidanka Gobolka Nugaal ay dil toogasho ah  ku xukuntay askari ka tirsan ciidanka Sirdoonka Puntlland PIA oo lagu magacaabo Mahad Siciid Maxamed oo taariikhdu maray ahayd  24 Feb 2012 ku dilay magaalada Garoowe askari kale oo ka tirsanaa isla ciidanka sirdoonka Puntlland PIS oo lagu magacaabi jiray Marxuun Ismaaciil Ibraahim Jaamac.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidanka dowllada Puntlland Cabdikariim Xassan Firdhiye oo la hadlay saxaafada maanta ayaa waxaa uu sheegay in askariga la xukumay oo ka tirsa naa ciidanka Sirdoonka PIS uu isku dayey in uu baxsado isagoo howl gal lagu soo qabanayey uu ku dhintay askari kale oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka Puntlland PIS oo lagu magacaabo marxuun Saacid Jaamac ashkir.

Maxkamada Ciidanka dowllada Puntlland ayaa maanta waxaa la soo taagay  ilaa 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka dowllada Puntlland ee loo yaqaan PIA si loo xaqiijiyo cidda ka danbaysay rasaasta uu ku dhintay marxuun Saacid Jaamac Ashkir arrinkaas oo ciidankii ku jiray howl galku ay cadayn waayeen. Maxkamada ciidanka Puntlland ayaa ka codsatay dowllad Puntland iyo hay,ad daha dowliga in ay bixiyaan  in magdhow siiyaan  ehelada marxuunka Saacid Jaamac Ashkir oo ku dhintay howl galkii ay ciidanka ku soo qabteen  gacan ku dhiigle Mahad Siciid Maxamed  dhawaan
lagu fulin doono qisaas.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online