Booqo Halgan WebTv Station kana Dhagayso Duruusihii ka baxay iyo muxaadaraad Maqal iyo Muuqaal ah

March 9, 2012 - Written by

Waxaan ugu bishaareynaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed iyo Akhristayaasha Halgan.net in lagu soo kordhiyey Halgan.net Web TV Station kaas oo si Live ah u tabin doona Dhamaan duruusta kale duwan ee culumada soomaaliyeed ay ka bixiyeen Masaajidka ku yaal Yurub ,Maraykanka iyo Canada inagoo ugu xilinayna iyagoo haysta Internet speedkiisu uu fiican yahay , Howl adeenada Halgan.net ayaa qorshahoodub waxaa uu ahaa markii hore in ay soo tabiyaan duruusta ay culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ay ka bixiyaan Masaajidka ku yaala Soomaaliya iyo Afrika balse arrinkaas ayaa hirgeliweyday sababo la xiriirta dhinac Internetka Soomaaliya iyo Afrika oo ah mid daciif ah balse waxaa socda dadaal ay wadaan culumada gacanta ku haya masaajidaas si ay kordhiyaan awooda Internetka.

Haddii aad haystid iPhone, iPad, Android,  iyo Telefoonada smartphones duruusta baxaysa si Maqal iyo Muuqaal ah baad ula socon doon taa waxaa kale oo jiri doona in Pageku yeelan doono Facebook ,Twitter  iyo in si sahlan aad saaxiibadaa iyo qof walba aad email ugu diri karto ila pageka xiliga duruusuhu socdaan iyo ka diba.

Halgan.net ayaa haatan wada tijaabo iyadoo darsigii ugu horeeyey oo si Maqal iyo Muuqaal u baxa uu bixiyo Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax, kaas oo ka baxa Masjidka Al-Tawfiiq ee magaalada Oslo ee dalka Norway .Sh Dr Cali Saalax ayaa waxaa uu darsigiisu baxaa  maalmaha Talaada , Khamiista , Jimcaha , Sabtiga iyo Axada, waxaa kale oo jiri doono Masaajido dhowr ah oo druustoodu ay u bixi doonto si Live ah dib ayaanse idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

Jadwalka druusta  Sheekh Dr Cali Saalax hoos ka eeg

1-Talaado  Moowsuucatul Firaq Wal Adyaan saacada 17:35 Norway

2-Khamiis  Moowsuucatul Firaq Wal Adyaan 17: 35  Norway
3-Jimce      Sharaxa Alfiyatu siyuudi 17 :35 Norway
4-Sabti       Moowsuucatul Firaq Wal Adyaan 17:35 Norway
5-Axad       Moowsuucatul Firaq Wal Adyaan 17: 35 Norway
Halkaan Riix si aad u booqatid Halga Webtv Station Live

Dhamaan waxaan u mahad celineynaa walaalaha nagu kordhiyey talooyinka iyo nasiixooyinka qiima galka ah oo ay na soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed allaha dhowree dhamaantoood.

Wixii talo iyo fadlan noogu soo hagaajiya Webmaster@halgan.net alle waxaan ka baryeynaa in uu camalkeena ka dhigo mid isaga gaar u ah  Aaaamiin

Maamulka Halgan.net

7 Comments so far

Leave a comment

  1. Salaamu Calaykum

    Aaad baan ugu mahad celinayaa walaalaha maamula Halgan waxaan alle uga baryayaa in alle janada ka waraabsho waxaan ka codsan lahaa in wixii ay soo deynayaan ay ka dhigaan Mp4 si aan uga daawano iphone ka ilaahay hana xifdiyo dhamaanteen

  2. Salaamu Calaykum

    Mashalaah aad iyo aad baan idinku mahad celinayaa ilaahow noo dhowr Halgan.net iyo culumadeena iyo dacwadeeda
    salafka ilaahay ha ka saaro khilaafka ku dhex jira aaaaamiin

    w/s

    Mabruuk Mashalah

  3. Salaamu Calaykum

    Mashalaah Halgan alaha dhowro si fiican bay u horumartay waxaan ku xirnaa laga ssoo bilaabo 2005 ilaa haatan waa horumar aad u fiican hadaad awoodaan waxaa fiicnaan lahayd in warar iyo baraamij laga soo daayo si looga kaaftoomo Tv Somalida ee nasakhan

    Mabruul Ilfa Mabruuk
    ws

  4. Salaamu calaykum

    Walaalaha Halgan.net ilaahay ha xifdiyo fadlan jadwalka daruusta noo gudbiya sida aan u dhageysno waxaana ka sii cajaaib badan iPhone waa laga daawan karaa waa MP4 Mashalaah

  5. Salaamu Calaykum
    Mashalaah

    Mabruuk Walaalaha Halgan.net ilaahay ha ciseeyo sida ay khayrka ugu taagan yihiin mar walba
    Wixii murug iyo talo ah waan soo gudbin doonaa inshalaaah

  6. Salaamu Calaykum

    alahu Akbar ilaahay ha dhowro howlwadeenada Halgan.net misaanka xasanaadkana alaha u kordhiyo
    waxaa leeyahay waa sabqi saxfi aan caadi ahayn khayrka ha la faafiyo
    sw

  7. Masha allah waa arin fiican lakiin duruustii hore iyo maxaadaraadkii hore ku aruuriye haddii ay suurta gal tahay

Leave a comment

*