Ciidamada DF kuwa Itoobiya oo soo gaaray Goobo iyo dagaal ka socda Ceel la-helay

March 26, 2012 - Written by

Hiiraan:-Warar goor dhow na soo gaaray gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo itoobiyaan ah iyo kuwa DFKM ay saaka soo gaareen  deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraanwaxaana dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdaa duleedka Maxaas halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlu suna ayaa aad ugu soo dhawaaday Degmada Ceelbuur  waxaana ay haatan soo gaareen meel aan sidaa oga fogeyn deegaanka Ceel la-helay oo qiyaastii 40-KM u jira degmada Ceelbuur, waxaana dagaal kala hortagay ciidamada Al-Shabaab .

Wararkii ugu danbeeyey ee soo gaaray warqabadka Halgan.net ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo duleedka  deegaanka Ceel la-helay  waxaana si weyn loo maqlayaa Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku ah Degmada Ceelbuur.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Ceelbuur ayaa waxaa la soo daristay cabsi iyaga oo ka cabsi qaba ciidamada Itoobiya ee ku soo wajahan Degmada Ceelbuur .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online