Ciidamo itoobiyaan ah oo gawaari looga gubay Deegaanka Teed ee gobalka Bakool

March 21, 2012 - Written by

Xudur:-Wararka naga soo gaaray gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan ciidanka dalka Itoobiya kuwaas oo ku sii socday Degmada xudur weerar culus lagu qaaday waxaana dagaalka uu socday in ka badan hal saac.

Dagaalka ayaa qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay laba jiho weerar kaga dhufteen ciidamada Itoobiya  oo marayey deegaan lagu magacaabo Teed oo u dhexeeya degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ilaa haatan uu socdo dagaalka uuna khasaaro soo gaaray ciidamada Itoobiya warar hordhac ah ayaa sheegaya in gawaari laga gubay ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ku wada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee ka soo talaabay xadka Soomaaliya iyaga oo ku andacoonaya in ay caawinayaan ciidamada DFKM ee Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online