Daawo Waraysigii Sheekh Maxamed Idris Ahmed uu siiyey Tv -ga Universal

March 5, 2012 - Written by

Sheekh Maxamed Idiris Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliya oo hadda socdaal dacwadeed ku jooga dalka South Afrika ayaa waxaa uu waraysi uu siiyey  Tv-ga Universal uu sheegay in uu soo dhaweynayo nabad ka dhalata Soomaaliya ha ahaato caasimada dalka Soomaaliya , Gobollada dalka iyo meelaha ay ka jiraan maamuladda. Sheekh Maxamed Idirs ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed iyo cid walba oo dagaal ka dhexeeyo in ay dhexdooda ka wada hadlaan wixii khilaaf ahna ee u dhexeeyana ay u bandhigaan Kitaabka alle iyagoo kaashanaya culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradka kaleba, Sheekh Maxamed Idirs ayaa sheegay in aysan dadka Soomaaliyeed aysan kala maarmin dano badana ay ka dhexeeyaan dalkana ay wada leeyihiin.

Sheekh Maxamed Idris ayaa xusay in faragelin shisheeyey ama dad ajnabi ah oo shirar u qabta Umadda Soomaaliyeed aysan waxba soo kordhin karin haddii bulshada Soomaaliyeed aysan dhexdooda ka hishiin dhibtoodana aysan xalin.

Hoos ka Daawo waraysigii Sh Maxamed Idris uu siiyey Tv -ga Universal

Source Universal Tv
Al-Yaqiin .com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asallaamu Calaykum

    Halgan aad ayay ugu mahadsan yihiin wareysigaan ay na maqashiyeen waxaan ku kalsonaa in la dhegesto iyo in kale aysan umada waxba u siyaadineyn waayo sheikha waxuu galo iyo waxuu gudu waanu naqanaa waana ku kalsoon yihiin umada muslimiinta, sheikha ala ka sokoow waxaan uga mahadcelin sida dadaala iyo diinku ay ka muuqato uu u garab taagan yahay dadkiisa wax tarka, sheikh idiris waxaan ku xasuustaa in uu ka mid yahay culimada faro ku tiriska ah ee noola soo hayaamay qurbaha isla markaana god walba nala galay,waxaa xaqiiq ah in uu waqtigiisa ku dhumiyo difaaca iyo koryeelida diinta ale ugana haajiray ilmihiisii, xaasaskiisii iyo danihii isaga u gaarka ahaa, hadaba wax magaratada say rabaan u hadla uusana carabkoodu ka xishoon wax dadka imaanka laga helay uu ka xishoodo sheikha dacaayadaha ay ku qoreen meelaha ay dadka ku fasahaadiyaan waxba ka dhibimayso waxaana mahad u sugnaatahay Alihii siiyeye difaaca iyo taqwo uu ugu dulqaato, Allaah dartiis ayaanu ku jeclnahay waxaana ale uga baryin i uu jeclaado, Culimadana meel kasta ay jogaan allaah hanoo xifdiyo hana noo dhowdho dhexdooda maslaxo Allaah ha dhigo dhulkeenana cadowga kuwo ka ceshata allaah hanaga yeelo danahooda aduun iyo kuwa akhiro kuwo ku mashquula allaah hanaga yeelo carabkeena kuwo naar ku muteysta allaah nagama yeelo kuwo waxay diidaana xigamad iyo diin ku saleeya allaaha hanaga yeelo.

Leave a comment

*