Dagaal saaka ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud

March 20, 2012 - Written by

Galgaduud:-Wararka ka imaanayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud ayaa sheegay in saaka ay ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay ku soo qaadeen weerar gaadmo ah  taas oo suurta gelisay in ay gudaha u galaan magaalada halka ciidamadii Ahlusunha ay dib uga gurtaan magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray 2-da koox ee dagaalka u dhexeeyey, iska horimaadka ayaa waxaa sidoo kale khasaaro ay ka soo gaartay dad rayid ah oo rasaasta la isku ridayey ay guryahooda ugu tagtay.

Sarkaal u hadlay ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidankiisu ay qabsadeen gaadiid dagaal , hub iyo ayna khasaaro  gaarsiiyeen ciidankii ay la dagaalamyeen kana saareen Degmada Dhuusomareeb .

 Dhinac kale  Sarkaal u hadlay Ururka Ahlusunaha ayaa sheegay in dagaalka saaka lagu soo qaaday fariisamahooda ay iska difaaceenwuxuuna  sheegay in ay dib u qabsadeen degmada Dhuusamoreeb oo uu sheegay in ay iyagu dib uga gurteen markii hore, dagaalka saaka ka dhacay magaalada ayaa waxaa gudaha magaalada soo galay ciidamo ka tirsan Al-shabaab sheegaynay in ay iyagu la wareegeen Degmada Dhuusamareeb.

Goob jooge ku sugan degmada Dhuusamreeb ayaa saxaafada u sheegay in magaalada Dhuusamreeb ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Kooxda Ahlusunaha oo iyagu markii hore ka talin jiray Dhuusamareeb.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online