Dagaalo iyo Duqeymo wili ka socda Suuqa Xoolaha iyo Xerada Maslax ee magaalada Muqdisho

March 2, 2012 - Written by

Muqdisho:Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa saaka weerar ku qaaday xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho iyaga oo sheegay in ay halkaas ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab. Dagaalka xoog giisa ayaa waxaa uu ka socdaa xaafadda Suuqa Xoolaha ka dib markii ay laba jiho ka soo weerareen xaafada ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka AMISOM ayaa waxay sheegeen in ay qabsadeen  deeggaanno ay ka mid yihiin xeradii Maslax iyo  Suuqa Xoolaha halkaas oo xarun u ahayd ciidanka Al-shabaab. Saraakiisha iyo Masuulkiinta Ururka Al-shabaab ayaa horey u sheegay in ay badaleen qaabkii ay ula dagaalami jireen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ka dib markii ay baneeyeen qaar ka mid ah xarumuhii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa haatan cid xaqiijin karta guusha ay sheegteen ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM marka laga reebo wareysiyo ay siinayaan idaacado ku hadasha afka DFKM.balse qaar ka mid ah saraakiisha DFKM ayaa balan qaaday in ay warbaahinta geyn doonaan gooba ay qabsadeen.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho oo aan goordhaweyd la xiriirnay ayaa wuxuu noo sheegay in uu wili dagaal socdo uuna maqlayo Madaafiic culus oo dhacaysa wixii warar ahna uu dib ka soo gudbin doono. Goobaha ay dagaalada ka socdaan ayaa waxaa ugu darnaa Isgoyska SOS iyo Suuqa Xoolaha halkaas oo ay ciidamada AMISOM ay aad ugu garaaceen Madaafiic aan loo meel dayin.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa haatan ku howlgala kooxo yar yar oo aad u tababaran kuwaas oo ku qaada dagaalo gaadmo ah ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM iyaga oo khasaaro kala duwan u geysta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online