Kenya oo Qaraxii ka dhacay xalay Nairobi ku eedeysay Ururka Al-Shabaab

March 11, 2012 - Written by

Nairobi:-Dawlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana ay masuuliyada qaraxaas dusha uga tuurtay Ururka Al-Shabaab .Afhayeen u hadalay ciidanka Miletaiga ee dowlada Kenya oo la yiraahdo Col. Cryus Oguna ayaa sheegay in dowladiisa ay aaminsan tahay in qaraxii xalay ka dhacay Nairobi ay ka danbeeyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan gudaha dalka Kenya.

Col. Cryus Oguna ayaa waxaa uu sheegay in gudaha dalka Kenya ay soo galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaraya 50 si ay qaraxyo iyo weeraro kala duwan uga fuliyaan magaalooyinka waaweyn gaar ahaan magaalada Nairobi.

Afhayeenka ciidanka Melatariga ee dalka Kenya Col. Cryus Oguna ayaa si cad u sheegay  in weerarkii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ay ka dambeeyeen dagaalyahanada Al shabaab ee dhowaan ku biiray Urur Weynaha Al-Qaacida .

Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay 6 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 42 qof waxaana jira daawacyo aad u il daran sida uu saxaafada u sheegay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee Kenya, taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Nairobi in ay foojignaadaan lana shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago qaraxyo kale oo ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Kenya.

Ilaa haatan ma aysan sheegay Ururka Al-Shabaab qaraxii ka dhacay Nairobi ma jiraan Masuuliin ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay qaraxii ka dhacay xalay Nairobi kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online