Faahfaahin Qarax caawa ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

March 10, 2012 - Written by

Nairobi:-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in caawa Bam Gacmeed lagu weeraray goob laga raaco gawaarida Bl-ka ah waxaana uu weerarkaas sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu danbeeyey ee laga sii daayo Idaacadaha iyo Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in 4 qof ay dhimatay in ka badan 42 kalena ay dhaawac meen qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa dhaawacoodu uu yahay mid aad u daran.
Bamka laga tuuray gacanta ayaa waxaa lagu weeraray Boosteejada Majakos waxaana goobta soo gaaray qaraxa uu ka dhacay ciidamo faro badan oo ka tirsan dowlada Kenya. Sarkaal u hadlay Booliska dowllada Kenya ayaa sheegay in Bamka uu tuuray qof gaari watay oo ku socday xawaari aad ah balse ay wadaan baaritaano.

Dowllada Kenya ayaa qeyb ka ah dagaalka lagu qaaday goballada iyo Degmooyinka ay gacanta ku hayeen Al-shabaab waxayna dowllada Kenya ay ciidamadeeda ku sugan yihiin qeybo ka mid ah goballada iyo degmooyinka Jubada hoose iyo Gedo iyada oo Diyaaradaheeda ay duqeeyaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ilaa haatan ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay weerarka caawa lagu qaaday dad Kenyan ah oo ku sugnaa Boosteejada Majakos wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online