Garab Marka dhalinta ururka Al-shabaab Manhajka Ehlu Sunah Wal Jamaacah

March 1, 2012 - Written by

Maqaalkaan iyo kuwa soo socdaba waa maqaalo Manhaj ah aana ugu tala galay dhalinta Afka carabigu ku adag yahay una baahan in ay toos ugu xirmaan Culumadii iyo Salafkii ugana gudbaan Biriijyada miriray ee shubahaadka la dhacdhacaya, sidoo kale ay ka faa’iidaysato cidii Allah hanuun uu la doonay in ay ku waansanto. waxaana uu Xanbaarsanaan doonaan cilmi  waxaana Uu kugu ridi doonaa toobinka weyn Insha-allah.

Haddaba Maqaalkeeyga koowaad waxaan ku qaadi dhigayaa arin ay cibaado iyo wax ay allah ugu dhawadaan u noqotay qaybo dhalinta ka mid ah in ay iska tuuraan Waa Gaal, Murtad  Baatahay Cadaw allah batahay Munaafaq baatahay  Madaxweyne Hebel Waa Gaal iyo Shacabkiisuba iwm Culumadii Arintooda Soo Qadayna Waxa U Baxsheen Culamaa’u Suu iyo Magacyo Badan

Hadalka Badin Mayo Waxaan U Dhaadhacayaa Dulucda Maqalka Xagee Kala Joogaan Dhalinteena Qaybaha Xalaashaday Galaysiinta kufriga Mucayanka Iyo Mawqiftii Culumadi Ehlu Sunah Iyo baabkaan Waxay Ka Aminsanayeen .

Waxaan Tusaale U soo Qaadanayaa 3 Sheekh Oo Laf Dhabar U Ah Dacwadaan iyo iftiinka Aan ku jirno iyo Mawqafyadoodii Xiliyadii Adkaa ee Arimahaan ay Soo Mareen. Iyo Sida Ay Xarakada shabaab iyo Taageerayaasheedu Ay uga fog yihiin Culumadaan Iyo Iyo Manhajkii Salafka Iyo Dariiqa Saxda ah intaba.

Halkaan waxaa ku dhamaday qoraalkeeygii waxaa bilaabanaya sheekadii iyo Mawqifyadii Sedexda Sheekh Hadal Kasta Waxaad ka helaysaa Marjaca Kitaabka Magacisa Mujalada Iyo Safxada Lanbarkeeda insha-alah Shicaarkeenu Waa Hadal Yar  Iyo Daliil badan wan ka baxay.

TUSAALAHA KOOBAAD IIMAAM EHLU SUNAH WAL JAMAACAH AXMED BIN XANBAL  IYO MADAXDII KA  HOR TIMID
Waxaa Jiray Sedex Khulafaa Xiligii  Cabaasiyiinta  kuwaas oo kala Ahaa(Al ma’muun, Almuctasim.iyo Alwaathiq,  Waxey Raacsanaayeen Madhab la Yiraahdo Al-muctazilah  KaaS Oo Ahaa Mid BaaDil Ah Dadkana  Ay ugu Wici Jireen Iney Fkirkii Ay Aamin Sanayeen  soo Galiyaan Weyna Ku Imtixaami Jireen Weyna Ku Ciqaabi Jjireen Weyna Xeri Jireen Weyna Karbaashi Jireen Weyna  Handadi Jireen,  In
Ay Dilayaan Haduusan Soo Raacin Iyaga,    Iimaam Axmed Bin Xanbal Wuxuu Ku Adkaystay Mawqifkiisii  Ahaa Quraanku  Inuu Yahay Hadalkii Ale Oo Uusan Aheeyn Mid La Abuuray. Arintaas Awgeed Ayuu Waxa uu U maray dhibaato Aad U wayn Ayaana  Arinkaas  Sheekha  kasoo gaartey Waxaana ka Mid Ahaa In Ay Si Xun U  Cadaadiyeen Iney Karbaasheen Iney Xereen Wuxuuna Ku Sigtey Inuu Ku Dhinto Waxaasna Culimada Waxey Ku Sheegeen mixno Iney tahay .   Waxaad eegtaa kitaab al bidaayah wal nihaaya iyo siyar aclaam al.nubalaa, sidaa ay tahayna

Imaam  Axmed Raximahu laah  Kuma Uusan Gaalaysiin Hadalkoodii Ahaa  Quraanku Waa Makhluuq Taasoo Dadka Ay ku Qasbi Jireen. Lakin Jamaacatu Ehlu Suna Waxey Isku Raaceen Hadalkaas Cidii Dhahda Quraanku Waa Makhluuq  In Uu Ku Gaaloobayo , Waxaadna ka eegi kartiin(sharax usuul ahlu suna)Wafataawa Ibnu Taymiyah 48012  Iimaam Ahmed Kuma Galaysiin Tafsiirkii Ay Sameeyeen Maadaama Ay Ahaayeen Muta’wilin  Bal imaam Axmed Wuu IsKa Cafiyay Wuuna u Duceeyay Wuxuuna Yiri  Qof Kastoo Wax Iga Sheegay waan Cafiyay Ilaa Nin Bidca Wato mooyeene  – Abaa Isxaaqna Waa (Muctasim) Waxba Uma Haysto Waxaana Allah Uu yiri Subxaanahu Watacaalaa Min Suuratu Nuur 22(وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلاَ تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ الله لَكُم,,,Nebigana Wuxuu Amray Abuubakar Cafis Qisatul Mistax , Abuu Cabdulaahi(oo ah axmed ibnu xambal) Wuxuu Dhahay  Maxaad Ka Faaideeysaa Haduu Allaah U Cadaabo Daraadaadaa Walaakaaga muslimka Ah.  Eeg tafsiir bidaaya wal nihaaya ibnu kathiir , iyo siyar aclaam al-nubalaa

Sheekhul Islaam  Ibnu Taymiyah Raximahu Laah Waxa Uu Yiri (Al Fatawa 23 -348-349 Ka dib Madaxdii  Tiri  Qoowlkii  Jahmiya Kaas
oo Ahaa  Inuu Quraanku  Makhluuq Yahay Ilaahna Aan La Arkeeynin Maalinta Qiyaamaha Iwm Dadkana Arintaas Ugu Yeeray  Kuna Imtixaamay  Kuna Ciqaabay  Dadkaan Jecleeyn Ama Qaadan Wey Ku Gaalaysiiyeen Heer Waxey Gaareen(Maxbuuska)( Askariga Dagaalka Lagu Qabto)Haday Qabtaan Ineyna  Siidayn Ilaa uu Ku Qowlo Qawlkooda Taasoo Ah Qoolka jahmiyada Oo Ah Inuu Quraanku Yahay Makhluuq Iwm Waxey Wax Siiyaan Oo Keliya Qofkii Ayaga Rumeeya Ama Raacsan Sidaas Oo Ay tahay Imaam Axmed Raximahu laah Wuu U Naxariis dalbay Wuuna U Istiqfaar weydiiyay isagoo ogaa ineysan ukala cadaanin iney yihiiin kuwa rasuulka beeniyey ama diiday wuxuu la yimid Rasuulka csw Lakiin Waa Ay gefeen.

Fataawaa 489-12  507-7 Sida Oo Ay Tahay Iimaam Ahmed Wuu U Duceeyay Qaliifadooda Iyo Kuwa Kale Oo IImaam Axmed Dhibaatada Gaarsiiyay Oo Xiray Iimaamka Wuuna U Cafiyay Danbiga Ay ka Galeen, Wuuna u Istqfar Dalbay Kufrigoodii  Ay Galeen Waloow Murtad Ay Banaaneeyn In Loo Danbi Dhaaf dalbo  Waayo Qof Murtad  Istigfaar looma Dalbi Karo Kitaabka Iyo Sunada Iyo Ijmaaca A Imada Ahlu Sunah Wal Jamaacah. Aqwaashaan Iyo Acmaashaan  Asaga Iyo Aimada Kalba Waa Ay cadahay In Aysan Cid Shakhsi Ah Mucayan Ah Aysan Gaalaysiin  Sida Jahmiyada  Oo Lahaa Quraanku  waa Makluuq Iyo Allaah Lama Arkaayo Maalinta Qiyaame. Iimaam Axmed Waxa  laga soo guuriyey daliil ah inuu gaaleysiiyey qolo gaar ah Oo Ah Jahmiyada. Marka Mas Aladu in labo riwaayo laga soo guuriyo imaamka fiiro ayey u baahantahay,ama waxaa lagu xambaaraya in 2 rayi  loo kala qaado,Mid Waa Cayni(si gaar ah in qofka loo gaaleysiiyo) Midna Waa Tafsiil(in lakala saaro )Waxaa la dhahaya Qofkii uu Shakhsi U Galaysiiyey Waxa laga helay shuruudihii gaalnimada keenayey waxana laga waayey wixii gaalnimada ka celin lahaa , ciddii uusan si shakhsi ah uusan u gaaleysiinna waxa laga waayey wixii keeni lahaa gaalnimada arinkan waa marka aan takfiirka uga hadalno si guud ah oo caaam ah .

TUSAALAHA  LABAAD SHEEQ ISLAAM IBNU TAYMIYAH IYO KUWII KA SOO HORJEEDAY KASOO HORJEEDA

 Waxa uu Ahaa AllahaU Naxariistee Mid Ku Socda Ama  raaci MAnhajkaan Mana Uusan Gaalaysiin Jirin Dadka  Shakhsiga Ah Kufri Mucayan Ayada Oon lagu haynin Xujo (Daliilka) oo Shuruuda Galaysiinta Shkhsiga iyo Waxyabaha U diidaya In La Galaysiiyo Uu U Dhamaystiro.

Waxa Uu Leyahay Sheekh Islaam Ibnu Taymiyah Raximahu laah Fataawa ibnu taymiin 229-3 Qofkii Aniga Ila Fariista  Wuxuu Ogaan Jiray Inaan Ahay Qofka Ugu Horeeya Oo Diida In La Gaalaysiiyo  Dadka gaarka ah (jahmiyada) Oona la Caayo ilaa lagu Oogo Xujo Cad Ee Risaalada Ah.taasoo Qofkii Khaalifa uu Yahay Marna Kaafir Marna Faasiq Marna Caasi ,Waxaan Aaminsanahay Inuu Allaah U Cafinayo Umadaan Gafkeeda, Qaladkuna  wuxuu galaa Masaailka Afka Aad Ka dhaheysid Iyo Acmaasha Aad Sameeynaysid

Waxa Uu Yiri Sido Kale Sheekh Islaam  kitabka  (alrad calaa bakri) 492-2 Waxaan Dhihi Jiray Jahmiyada,  xuluuliyada  iyo Nafaaiyada Kuwa Nafyiyay In Allah uu Ku Suganyahay FAwqa Carshihii  MArkii Mixnadu Dhacday. HAdii Aan idinKu Waafaqi Lahaa Qowlkiinii(oo ahaa quraanka waa maqluuq iwm) Waan Ku Gaaloobayaa  Sababtoo  Ah Anigu waxaan cilmi u leeyahay qowlkiina inuu yahay gaalnimo.   Adinkuna  agteyda gaalo kama tihiin Sababtoo Ah Juhaal Ayaad tihiiin. kaasna waxay  Ahayd  Hadal  Uu U Diray Culimadooda iyo Qaadiyaalkooda iyo Umaradooda Jahligooda Asalkiisa Wuxuu Ahaa Shubuhaat Caqligooda Iyo Maskaxdooda ah taas oo ka timid ka gaabinta madaxdooda ay ka gaabiyeen iney ogaadaan daliilka saxda ah ama macquul sariix ah oo waafaqsan daliilkaas.

Sidoo Kale Waxa Uu Yiri Sheekh Islaam Ibnu Taymiya Fatwah 164-165-35 Qofka u Maleeyay Shiqiisa Inuu Irzaqsiinayo Ama Garab Siinaayo Am Hanuuninaayo Ama Taajir ka Dhigayo Ama Caawinaayo ama Caabudaaya Shiiqiisa markuu wacayo Shiiqiisa U Sajuudaya Ama ka kor Marsiinaya Nebiga csw Ama Shiikha Uu Asaga ugu Dhow Yahay Allaah Subxaanahu Watacaalaa Ama Shiiqiisa iyo Asagaba u Maleeyeen Ineyn Rasuulka csw u   Baahneen Kuligood Waa Wada kaafiriin Hadii Ay Banaanka La Yimadaan Hadii Aysan Banaanka La Imaana Waa Munaafiqiin.

Dadkaan Aan Soo Sheegnay zamankaan Wey bateen Sababtoo Ah Waxaa Aad U Yaraadey Dadka Ugu Wacaaya Cilmiga Iyo Iimaanka Iyo Risaalada  Garsiinteeda, Oo Dhulal Badan hoos Ugu dhacdey  Dadkaas Intooda Badan Ma Qabaan Dhaxalkii nebiga laga dhaxlay Wax Ay Ku Hanuunsami Karaan Kuwa Badan Maba Gaarin Waqtiyadaas Oo Kale iyo Meelaha Ay Wax Ka Dhacaan Allaah Abaal Marin Ayuu Siinayaa Qofkii imaan Yar uu haysto Allaahna Wuu u Danbi Dhaafaayaa Qofkii aysan Ku Dhicin Xujo Aan Loogu Danbi Dhaafi Karin Sida Xadiiska uu sheegayo (waxaa imaanayo zaman Ayan Dadka Aqoon Salaada  Soonka Xajna ma yaqaanaan cumro Ma yaqaaniin waxaa Garanaya Oo keliya Nin Oday ah Ama Ama ISlan Wayel Ah Waxayna Dhahayaan Awoowayasheen Ayaan Kasoo Gaarnay Ayagoo Leh laa ilaaha ilaa laah)

Xudeyfa bin Nucmaan Waxaa Lagu Yiri  Maxay U Taraysaa  Laa ilaaha ilaa laah keliya Wuxuu ku Jawaabay Naarta Ayey Ka Badbaadinaysaa ,

Dadka Oranahaya Waxyaabaha  Lagu Gaaloobo kitaabkii ale iyo sunada rasuulka csw aa lagu gaaloobey xukunkaas mala gaari karo waxna ulama ahan qof kastoo sidaa dhahana in la dhaho waad gaalowday  Ilaa ay ku cadaato shuruuda qofka lagu gaaleeyn karo(shuruud takfiir mucayan )

Sioo kale waxa u leyahay Kitaabka fataawii (sharax caqiidat asfahaani)safxah 211(falasifada iyo Baadhiniyada Waa Gaalo gaalnimadoodu U Cadahay Muslimiinta Lakin gaalnimadooda Ma Garan karo Qof Walba iyo Dadka aan aqoon xaqiiqada hadalkooda, Dadbaa iska Qaadanaayo hadalkooda ayagoon ogeen in lagu gaaloobaayo cudur waxaa loogu dhigi karaa inuusana ka war qabin jahilnimadiisa

kaas waxa weeye moowqifkii sheequl islaam ibnu taymiyauu ka taagnaa kuwa xaqa khilaafsan oo uu isku qasaya waxyaalaha lagu gaaloobi karo oo shakina ku jirin iney gaalnimo tahay muslimiinta agtooda. lakin shiiq ibnu taymiya muusan gaaleyn waana la doodey sababta xaqoo ka qarsoonaay iyo jaahilnimadooda awgiis iyo ka fogaasho ay ka fogaayeen cilmiga sharciga ah  iyo arinka oo aad isaga dhex darsamay .

TUSAALAHA SEDEXAAD MOOWQIFKA SH MAXAMED IBNU CABDUL WAHAAB RAXIMAHU LAAH UU KA QABO DADKA QILAAFSAN

Sheekh Maxamed  Ibnu Cabdulwahaab Raximahu laah Sidii  iimaamayadii Hore Oo Kale Waxa Uu aamin sanaa In Aan Takfiir Mucayan  Shakhsi  La Gaalaysiin Karin Ilaa Xujada Iyo shuruuda Lagu Galobo La Imaan

Shiikhu Waxa Uu Yiri Allaah U naxariistee Kitaabkiisa (fataawaa al masail)safxada 11( hadii Aanan La Gaaleysii neynin Ninka Sanamka Saaran Qubada Cabdulqaadir Kan Caabudaayo iyo Kan kale Ee Asna Caabudaaya  Sanamka Qabriga Axmed Yaala iwm, Sababto An Loo Gaalaysiinayna Waa  Jaahilnimadooda Daraadeed Qof U Digayna Ma Jiro marka Sideen U Gaaleyneynaa Nin AanAllaah Uu Shariik Yeelin.

Haduu Anaga inoo imaanin Kuwaas Ayaa gaalo ah uusan dheheeynin Ama uusan Dagaalameynin Taasna waa Been weyn.

Sheekhu Wuxuu Yiri Allaha U Naxariistee kitaabkiisa (majmuuc al mu alifaat al rasaail shaqsiyah)safxa 3-33-85 Waxaa Aniga La Iga Sheegay Oo Ah Inaan Aniga Dadka Guud Ahaan Aan Gaaleeyo Taas Waa Beenta Dadka I Neceb Waxaa Kaloo Ka Mid Ah Hadlkooda Inaan Dhahay Ninkii  Raaca Diinta alle iyo rasuulkiisa csw Beledkiisana Iska Degan Taas Kuma Filna Ilaa Uu Aniga  Ii  Yimaado Taasna Waa Been Leyga Sheegay, Muraadka Loo Baahan yahay Waa in La Raaco

Diinta Alle iyo Rasuulkiisa csw Meeshaa Rabtid Joog. Lakin Waxaa Gaaleyneynaa Ninkii Allaah iyo diintiisa iyo rasuulkiisa qira ka dibna Cadow Ku Noqda Dadkana Ka Reeba waxaan Kaloon Gaaleyneynaa Ninka Sanamyada Caabuda isagoo Ogaadey Taas Iney Tahay Diinta Mushrikiinta Dadkana U Qurxiya kaas weeyaan waa kan aan gaaleyneyno Nin kastoo Oo CaalimAh Oo Aduunka Jooga waa Uu Gaalaysiinayaa Nin Kaas OO Kale, ilaa Nin Jaahil Ah  Ama Nin Muranloo Ah  Mooyee

Shiikhu  Wuxuu yiri Alaha u Naxariistee Asagoo Ka Jawaabaya Waxa loo Nisbeeyay Oo La Xiriira GaaleySiin  Dadka la gaaleynaayo (Waxaa Lagu sheegay inaan Busiri gaaleysiiyay sababtuna ay tahay Hadalka uu yiri oo ah (Yaa Akramal Khalqi)  Jawaabteydu Waxay Tahay  Subxaanaka Haadaa BuhtaanunBbuhtaanun cadiim Rabiyoow Nasahnaantaadee Taasi Waa Been Abuur Weeyn.   Waa Dhaday Hadalki Culumadu.

Dhamaaad.

Hadaba Kuwani Waa ka Qani toon Yihiin Barasho Iyo In aan isku guubaabino In Aan Ku dayano Sidaas Awgeed Warkaan Wa cad yahay   Uma Baahna faalo iyo faahfaahin  Cilmigaas Qofkii Qaata Asageey Anfacaysaa Qofkii Ka Leexdana Asaga Lee Waaye.

Gabo gabo Iyo Gunaanad Waxaan Ku darsanahayaa oo Ku soo Xirayaa Qowlkii Alle Oo Ahaa (Ha Is Jireen Kuwa Khilaafaya Amarka nabiga In Ay Asiibto Fidno Ama Ay Asiibto Cathaab  Daran.

قال تعالى :[Soft Break]( فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَنْ تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ)(النور: من الآية63)

HAdaba Dhalin Yarada Khilaafaya Kitabka Sunada Iyo Manhajka Ehlu Sunah Waljamaacah Iyo A Imadooda Mawaysan Ka baqayn In Musboobo Iyo Halaag ku Dhaco Waxaa ig dardaarana Qof Walboow Go’aanka Aad Qaadanysid ka Fiirso Akhiradaadana Badbaadso.

Wixii Khalad Ah Xaga Qoraalka Iyo Turjumaada Iwm Aad Ku Aragtaan @mailkas hayga Soo saxaan

Wabilahi tawfiiq Wasalamu calekum Wr Wbrkt.

Walalkiin Huseen Sh Cali (Al Xanaafi)

Xanaafi@gmail.com

Aragtid Maqaalka waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

8 Comments so far

Leave a comment

  1. walaka wata mujaahid akhii maxay tahay sunada aad u gar gaaraysid hadii aad k alexatay wadiiqadii iyo jidkii toosnaa waajibka ku saaran waxa weeye in aad naftaada la jihaado oo wadiiqadii saxda aheed aad radiso waxaadna ku helaysaa adiga oo qata dar daranki rasulka ee ahaa akhuru sabanka waxa soo baxaya dad wax ka qadanaya dhalinta oo ka tagaya culumada wawayn hadaba dadkaas ha ka mid noqon ee sunada qabso culumada dinta ku ciraysatayna dabo dhigo masalaha oo garanaya muxkamka oo raasikhiinta ah jzklh

  2. To mujahid shabab waxatiri wixi wadada ey kabarten ayeykudaqman lakin wadadadi xaqa kumadaqman. wadadka iclamiyay jihad calami ah ninki jihadkas diidana xukumay galnimadisa wakuma? Mise suashas hadankuweydiyo waxan ahay gal madama aan jihadki sual kakenay? Waxankulehay ninwalbo hadu ijtihado asagon maclumad fiican haynin wa dib sh.boqolson ijtihadkisa dageyso marku wadada gusha kahadlayay mawaxad ledahay xaqa ayu kalexday oo dacad kamaeheyn arinkas

  3. asc wr wb ikhwani fillaah marka hore waxan leyahay allaha ka abaal mariyo walalka soo diyariyay lkn qofna qof iskama gaalaysiiso qofki gaalnimo ku dhacay maahane waxaana leeyahay walalkan aduunka maanta walabo baadil iyo xaq gaal iyo muslim. muslimka xaqdoonka waxa hogaan u ah mujaahidiintooda u taagan khiyaanada iyo dhagarta gaalada inay meel ku xiraan gaalada baadiyeynta wadana waxa hogaan u ah waxa loogu yeero golaha amaanka ama qaramada midoobay ee ku dhisan kufriga hogankooduna yahay kufri kuwaasoo farta ugu waco dabadhilifyaashooda islanimada nala sheganayo marka ikhwah waxa idin leeyahay labadas wado mid hala raaco mida ah culimada kala caraysan ALLAAH qalbigooda ha iswafajiyo dhalankaan shalay ayaga wax soo bareen waxay soo bareen ay ku dhaqmeen maxa ugu dhaqmaysaana wa qalad in culimada haday qaldameen la ceebaystana wa qalad marka allah waxan ka barya culimada islaamka oo dhan inu mid ka dhigo aamiiin

  4. ascallaahu akbar allaahu akbar dhaman waan salmya umada muslim ka meel kasta oo ay joogan waxaan mahad isk lh allaah casa wajala waxaan kale mahad iska leh mamulka halgan waxan u mahadcelnaya shek hhusein sh cai xanafi maqalkan aadk u muhiim san iyo sidad u bayamisay oo aad isku xilqaantahay in aan dhalinyaada jahliga u iftimiso waxan ilahay haka abalmiyo sh xanafi jzkl waxn u dardaramaa dhainyarada muslimka iay ka fogaadan in ay khilafan kitabk i sunada nabga csw iyo manhajk ahlu suna waljamaca masha allah aa baan ugu faraxsnahay sidad u bayamisy ustaad xanafi ilahay hka abaa lmariyo wcs

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sax wax ma galeysiin leheyn

  6. asalaamu caleykum wr wb waxan le yahay sheekha qoray risaladaan aad bu u mahad san yahay wa maqaal cajiib ah kuwa ku socoto maqalka intaaan haday ogaan lahayeen wax ma galaysiiyeen , sheekh xanafi alle qeer badan ha siiyo da daalka uu u wado umada somaliyeed in ey fahmaan dintooda alle haga ajar siiyo amiin

  7. ascwwb waxaan u arkaa naseexo aad u wanaagsan muhiimna ah allah haka abaalmariyo ustaad xanafi iyo intii ka caawisayba dhalinyarada ay kusocotana allah haku hanuuniyo wadada ahlu sunah waljamaacah allahna hanoo xafido ducaadeena diinta islaamka shukran walaalaha by daalib

Leave a comment

*