Hoobiyaal xalay lagu weeraray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

March 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar Hoobiyaal ah ku qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana weerarkaas uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay xalay weerar madaafiic ah u qaadeen Villa Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay dileen 5askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM 11 kalana ay dhaawaceen.

Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay saaka warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay sidoo kale in weerarka xalay uu yahay midkii labaad ay ku qaadayaan xaunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya .

Dhinaca kale  Afhayeenka ciidanka AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo isaguna  la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa beeniyey in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFKM ay wax ku noqdeen duqeyntii xalay wuxuuna sii raaciyey ma jirto wax Madaafiic ah oo ku soo dhacay xarunta Villa Soomaaliya.

Weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada ayaa mid ka mid ah hoobiyaashii lagu weeraray Villa Soomaaliya waxay ku dhacday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah waxaana ku dhinta afar qof oo isugu jiray aabbe, hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhaleen waxaana uu dhaawac soo gaaray mid kale.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online