Madaxa Jaamacada Bariga Afrika xarunta Gal-dogob oo wafti ka socday dalka Sudan ku sagootiyay Airporka Bosaaso

March 31, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxa Jaamacada Bariga Afrika xarunta Galdogob Dr.Bashiir Warsame Mohamed ayaa maantay ku sagootiyay airporttiga magaalada bosaso ee xarunta Gobolka Bari wafdi ka socday jaamacadda afrika ee caalamiga ah oo ku taala dalka sudan gaar ahaan magaala madaxda dalkaasi ee khartoum . Wafdigaas oo u yimid  in ay ardayda aqoontoodu sareyso ee ku dhaqan deegaamada Puntland ay  ka qaadaan imtixaano ka dibna ay siiyaan shahaado dugsi sare ayna u  qorsheeyeen cidii keenta darajo sare imtixaan kaas ay siin doonaan  deeq wax barasho dalka Sudan .

Waxaa uu sheegay masuulka shahadadaasi  in ay soo wadaan walaalaha reer Sudaan arimo iyo dadaalo intaasi ka  badan oo aan rajeynayno in ay noo keenaan Jaamacaddo gaarsiin doona  ardayda dalka dhamaantood heerarka ugu sareeya aqoon kororsiga ama wax barashada Dr Mohamed Al-faatix oo ahaa martida ka socotay dalka Sudaan ayaa  markii la sagoontinayay sheegay in uu aad ugu farax sanyahay soo  booqashada dowllad Puntland ayna ka go,antahay in ay sii wadi doonaan  dadaalkooda ku aadan wax barashada dalka Somaaliya uuna balan qaaday Dr.Mohamed Alfaatix in ay imaan doonaan bisha 9aad ee sanadka aan ku jirno  siina wadayaan dadaalkoda.

Jaamacadda Galdogob
galdogobuniversity@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online