Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle Muxudiin Xasan oo caawa dil ka badbaaday

March 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa dil uu ka badbaaday madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle, Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni) ka dib markii ay labada dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan ay weerareen isaga oo maraya  agagaarka Shaneemo Muqdisho kuna sii jeeda gurigiisa

Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle Muxudiin Xasan oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada dhalinyaro ee soo weerartay uu mid ka mid ah ay ku adkaatay in uu si degdeg ah ula soo baxo bistoolada ka dibna uu cagaha wax ka dayey Muxudiin Xasan Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle xabado ay ka daba rideena uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamada DFKM ayaa soo gaaray goobta lagu weeraray Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle Muxudiin Xasan waxaana sidoo kale goobta yimid ilaalada gudoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Daaci .

Waxaa goobta ka baxsaday ragii weerarka ku qaaday madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle, Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni) mana jiraan cid si rasmi ah u sheegatay weerarka caawa lagu khaarajin lahaa Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni)

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online