Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo soo gaaray magaalad Qardho

March 12, 2012 - Written by

Qardho:-Madaxweynahga Puntlland dr Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, Wafdiga madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa uu ahaa mid aan horay loo shaacin ayaa magaalada waxaa ku soo dhaweeyey maamulka magaalada Qardho .odayaal, waxgarada , dadweyne fara badan iyo ardayda dhigta skuullada ku yaal magaalada Qardho.

Safarka madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa ku weheliya  Wasiiro  iyo xubno ka tirsan 2-badda gole ee ay ka kooban tahay dowllada Puntlland, ilaa hadda ma cadda safarka deg deg ah ee uu maanta Madaxweynaha dowllada Puntlland ku soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ciidanka amaanka magaalada Qardho iyo ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyadda dowllada Puntlland ayaa iyagu waxaa ay sugayeen amaanka guud ee magalaada Qardho , Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Qardho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha iyo wax garadka kale duwan ee ku nool magaalada Qardho.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online