Meydii Madaxweynihii hore ee DFKM oo la gaarsiiyey magaalada Muqdisho(Masawiro)

March 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Meydkii Madaxweynihii hore ee DFKM marxuun Col Cabduulaaho Yuusuf Axmed ayaa saaka laga soo dejiyey garoon ka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, Garoonka diyaaradaha ee Aadaan Cadde ayaa xiligaas waxaa ku sugnaa masuuli yiinta ugu saraysa ee DFKM gaar ahaan Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sheekh Axmed ,Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,Gudddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan , Xilibaano ,Wasiiro , wasiir ku xigeeno iyo Saraakiil Ciidan.

Markii salaadii Janaasada lagu tukaday Madaxweynihii hore ee DFKM ahaan Madaxeynihii ugu horeeyey ee Puntlland Col. Cabdulaahi Yuusuf ayaa goobta waxaa ka hadlay masuuliyiinta ugu saraysa DFKM  waxaan ay mar kale tacsi u direen dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheldii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore eee DFKM  Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Intaas ka dib ayaa waxaa Meydkii Madaxeynihii hore ee DFKM Col Cabduillaahi Yuusuf Axmed loo soo duulimayaa magaaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugayaan Madaxda dowllada  Puntlland , Isimo iyo qaar ka mid ah eheladiisa oo doonaya in ay wax ka aasaan saaka iyo dad weynaha magaalada Gaalakcyo.

no images were found

Ciidanka daraawiishta iyo kuwa Madaxtooyada ayaa aad u adkeeyey amaanka magaalada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Garoonka diyaaradaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda dowllada Puntlland, saacadaha soo socda ayaa la filaaa in meydka marxuun Col.Cabdullahi Yuusuf la geeyo magaalada Gaalakacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaas oo lagu aasi doono.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online