Meydkii Madaxweynihii hore ee DFKM oo laga soo dejiyey magaalada Gaalakcyo.(Sawiro)

March 25, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa dhawaan laga dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo meydkii Madaxweyni hii hore ee DFKM Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka dib markii Salaadii Janaasada looga soo Tukada magaalada Muqdisho , diyaarada lagu siday meydka Madaxweynihii hore ee DFKM Col.Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa la socday madaxda ugu saraysa ee DFKM gaar ahaan Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif , Ra’iisul wasaarahiisa Dr.Cabdi Maxamed Cali  ,Gudoomiyaha baarlamaanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Hersi, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Xilibaano iyo wax garad kale oo ka soo raacay magaalada Muqdisho.

Aaska loo sameeyey Madaxweynihii hore ee DFKM Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa kale oo maanta ka soo qayb galay  Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Gen Cadde Muuse Xersi Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland, Madax ugu saraysa maamulka Gal-mudug iyo Ahlusunah Waljamac, siyaasiyiin aad looga yaqaan magaalada Gaalkacyo iyo Isimada iyo Nabadoonada Gobolka Mudug.

Garoonka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa meydkii Madaxweynihi hore DFKM ahaan Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntlland Col. Cabudllaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxda DFKM ku qaabilay Madaxweynaha Puntlland iyo wafdi la socday oo ka kooban Golahiisa wasiirada, xilibaano ,Saraakiil ciidan  iyo Isimo.

no images were found

Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa ayaa shalay soo gaaray magaalada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug si ay uga qayb galaan aaska Madaxweynihii hore ee Puntlland Col.Cabdullahi Yuusuf oo la go,aamiyey in lagu aaso magaalada Gaalkacyo. Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa adkeeyey amaanka guud ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online