Nadwo diini ah oo lagu soo afmeeray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar

March 20, 2012 - Written by

Qardho:-Waxaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar lagu soo gabagabeeyey habeenkii Isniinita Nadwo loogu magac daray ( مقومات المجتمع المسلم ومفسداته من خلال سورة الحجرات  ) nadwadaas oo socotay labo habeen kana dhacday Masjidka Cumar Ibnu Khadaab ayaa waxaa ka soo qaybgaley culimo iyo ducaad ay ka mid yihiin Sheekh Axmed C/samad ,Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan) Sh C/qani Qorane.

Habeenkii koowaad ayaa waxaa Nadwada furay Guddoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid, gudoomiyaha ayaa bulshada kula dar daarmay iney dhageystaan duruusta ka bixi doonta nadwada hadey ka dhagaysan lahaayeen masjidka gudihiisa banaankiisa iyo idaacada quraanka kariimka Qardho waana muhiim buu yiri guddoomiyaha in la dhagaysto culimada hadalkooda lana qaato maadaama ay yihiin dhaxalkii nabiyada intaa ka dib waxaa la galay muxaadaradii koowaad oo uu soo jeediyey Sh C/qani Qorane muxaadaradaas oo loogu magac daray (مقومات المجتمع المسلم ومفسداته من خلال سورة الحجرات) waxyaabaha umada muslimka ah dhisa iyo waxyaabaha burburiya lagana qaadanayo suuratul xujuraad sheekh ayaa muxaadaradiisa ku faahfaahiyey waxyaabah mujtamacaadka dhisa asagoona qodobqodob u xusay wax yaabaha muhiimka ah ee lagamamaarmaanka ah ee dhisa umadad muslimka waxa uu sidoo kale sheekha xusay waxyaabah burburiya wuxuuna sheekha mar uu ka hadlayey arintaas carabka ku dhuftay arinta hada ka taagan deegaanada puntland oo dhawaan ay soo afduubteen niman burcad badeed ah doon usoctay Somaliland arintaas oo dulmi ah ayna geysteen wiilal layaqaan oo reer puntland ah iyo tan kale oo ka taagan Qardho oo ah colaada u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada daga magaalada iyo arimo kale oo badan.

Sh.Cabdi Qani Qorane ayaa sheegay in wax socda ay yihiin wax burburiya umada muslimka ah waxaa la rabaa buu yiri sheekh in umada ay isku mid u diidaan waxyaabaha burburiya Mujtamaca muslimka ah kana shaqeeyaan in marwalba la raaco oo dhaqan laga dhigto Sunada Nabiga iyo Kitaabka Quraanka kariimka lana qaato wixii ilaah dad faray lagana tago wixii uu reebey.

Intaa kadib ayaa waxaa bilowday muxaadaradii labaad oo uu soo jeediyey Sh Xassan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)  muxaadaradaas oo ciwaankeedu ahaa waxyaabaha Burburiya Umada Muslimka ah oo xooga lagu saaray oo kaliy ah waxyaabaha burburiya Mujtamaca Muslimka muxaadarada sheekha ayaa u badnayd tacliiq ama tafaasiil uu sii raaciyey Muxaadaradii Shiikh C/qani Qorane asagoona sheekha uga digay umada iney is dulmiyaan, isjaajuusaan, iscaayaan, isxantaan, qabiil isugu faanaan, magacyo xunxun isugu yeeraan waxaa kale oo uu sheekha adkeeyey iney warka ay sheegayaan iska hubsadaan oo aaney dhihin Idaacad hebel ayaa sheektay iyadoo dadka qaar ay furteen websityo lagu caaynayo Culimadii Diintaan u soo shaqeysay in ilaha noocaas oo kalana laga digtoonaado oo warka meel sax ah laga qaato ayadoo mararka qaar ay dhici karto buu yiri sheekha nin safka hore kuugula tukanaya inuu sheekha u fiicnayn asagoo war qaldan meelaha qaar ka soo akhriyey oo dad waxa ay u shaqeeyaan la’ogayn ay qoreen kuwaas oo xitaa magacyadooda qariya oo aan soo qorin in ilaha noocaas ah laga diktoonaado oo aan warkooda lafaafin bulshadana la’isaga horkeenin ayaga iyo culimadooda.

 

Habeenkii labaad ayaa waxaa si wadajir ah Nadwada uga qaybqaatay ugana muxaadareeyey Sh Axmed C/samad iyo Sh Xassan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan) qaybta hore ee muxaadarada ayaa waxaa soo jeediyey Sh Axmed C/samad Muxaadarada ayaa ciwaan looga dhigay (نظرات منهجية ووسائل علمية  ) Milicsasho dariiqa saxa ah la milicsanayo iyo hanaankii lagu hergalin lahaa sidii loogu toosnaan lahaa Manhajka ama dariiqa saxda ah Sheekh Axmed C/samad ayaa Muxaadaradiisa xooga ku saaray dacwadaan iyo marxaladaha ay soo martay iyo in juhdi badan lagu soo bixiyey walina juhdigii ay u baahantahay sheekha ayaa muxaadaradiisa xooga ku saaray shirkii ay dhawaan Culimada Al-ictisaam ay ku qabteen Magaalada Hargaysa shirkaas oo ujeedadiisa ay aheyd buu yiri sheekh in umadaan marwalba qolo lunsanaysa ama qolo wax u akhrineysa in Manhajkooda saxa ah lugu hago wuxuuna halkaas ka akhriyey waxyaabihii ay culimada ka soo saareen shirka intaa kadib sheekh Abuu Xasaan ayaa lagu wareejieyey Makaroofanka oo lahaa qaybta labaad ee muxaadarada wuxuuna sheekha umada ku adkeeyey in qof walba diintaan masuul uu ka yahay loona baahanyahay in kaalintiisa ka qaato.

Muxaadaraaka ka baxay Nadwada ka dhacday magaalada Qardho oo dhagaysi ah iyo Duruus kale oo uu duubay sheekh Abuu Xasaan intuu Qardho ku sugnaa uguna magac daray (معالم مهج اهل السنة والجماعة في الاسم والاحكام) soomaaligeedana uu yahay Tilmaamaha Manhajka Ahlu sunna ha ee baabka dadka Xukunkooda inshaa allaah waan idin soo gudbindoonaa dhamaan muxaadaraadka oo dhagaysi ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online