Ogeysiis Fariin muhiim ah oo ku socota Somaalida ku nool Minnesota

March 2, 2012 - Written by

Fadlan kasoo qayb gal Shir lagu casumay madaxda Gobolka Minnesota iyo labada Bangi ee ugu waawayn gobolkan Wells Fargo iyo Usbank, iyo saxaafada Maxaliga ah, Culimmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waqtigu waa 6:00pm, goobta waa Abubakar As- Saddique Islamic Center.Warbixin kooban: Sida aan dhamaanteen lawada socono waxaa jirtay in Bangiyada waawayn ee Maraykanka ay diideen inay la shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida, waxay soo martay heerar kala duwan, ugu danbayntii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa Franklin Community Bank oo ahaa bangi yar u sheegay in bisha December 2011 kadib uusan la shaqayn doodin xawaaladaha Soomaalida.

Bangiyadu Maxayleeyihiin:Sababta ugu wayn ee bangiyadu ku an dacoonayaan ayaa ah, waxaan ka baqaynaa in Dowladu mustaqbalka cadaadis nasaarto ama sharciyo nagu soo rogto, maadaama Somaaliya Al-shabaab joogaan. Laakiin dood aas waxaa wiiqaya, Xawaaladaha ka furan Marayka way sharciyeysan yihiin, shuruudaha dowladu karabtana way buuxiyeen, ilaa hadana ma maqal dhibaato ka jirta iyaga iyo xaga dowlada. Sikale hadii loo dhigo waa ganacsi sharciyeysan oo dowlada shati ka haysta.

Dadaaladii lasameeyey: Intaa kadib waxaa bilowday dadaalo arintaas xal loogu raadinayo, waxaad lasocotaan in mudaharaadyo badan laga dhigay, arintaana qaylo dhaan badan laga sameeyey, sidoo kale waxaa xiriir aan kala go lahayn lala sameeyey Madaxdada gobolka Minnesota iyo Madaxda Washington, cod midaysan ayaa cabasho loogu gudbiyey labadaba, ilaa hadana wada hadalkaas wuu socdaa, wali wax miro dhal ah lagama gaarin. Sidaa si leeg waxaa xiriir joogta ah lala sameeyey Wells Fargo, waxaana lagala soo laabtay hungo. Sidoo kale waxaa shirar badan lala galay Usbank walina waxaa socda xiriir aan xoog badnayn.

Maxaan ugu midaysanahay xal u helida Xawaaladaha?

Sababha ugu muhiimsan waxaa kamid ah; waa halbowlaha nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed gudaha wadanka, qaxootiyada iyo dibadaba, waa gurmadka dag daga ah oo looga jawaabo, markasta oo dhibaato rabaani ah dhacdo, sida abaaraha, daadad ka, iwm. Xawaaladaha waa kaabayaasha dhaqaalaha iyo Bangiga qura ee u shaqaynaya wadanka Soomaaliya. Warbixintaan kooban kadib, maxay tahay fariinta jawaabta la idiinka doonayo?

Ficil

Waxaa loo baahan yahay inaan ficil ku muujino arinta aan rabno oo ah in Bangiyadu xawaaladaha la shaqeeyaan, waxaa loo baahan yahay, mudaharaado, waraaqo loo qoro madaxda gobalkan matasha iyo shirar lagu casumayo Bangiyada iyo Dowlada.

Fariinta aan idiin soo gudbinayo waxay tahay arintaan ma’ahan dad ganacsi laga xirayo oo aan taageerayno ama inaan sheerar ku leenahay xawilaadaha oo aan khasaarayno, waa arin lagu tilmaami karo geeri iyo nolol, sababtuna waxay tahay hooyada qoxootiga joogta oo agoonta haysata oo $50 loo diro, xagee loo marin, maamada tuulooyinka Soomaaliya mida ugu fog joogta oo $50 loo diro, xagee loomarin, agoomaha, naafada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed dhibaatooyinka uga jawaabaan xagee lamarin, arintan waa masuuliyad caam ah fadlan ka qaado kaalintaada. Ugu danbayntii fadlan kasoo qaybgal Shirkan, xalka loogu raadinayo Xawaaladaha Soomaaliyeed. Faah faahin 612-871-8600 ex-0

Hassan Jama (Hassan Dhooye) Executive Director

Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South Minneapolis,
MN 55407 Email:aaic@abuubakar.org

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online