Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

March 21, 2012 - Written by

Baydhabo:-Sarakiil ka tirsan ciidamada AMISOM  oo hordhac ah ayaa maanta gaaray  magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay kuwaas oo soo qiimeyn doona goobaha ay degi doonaan ciidankaa AMISOM ee dhawaan la geyn doono magaalada Baydhabo.

Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo tegay ayaa waxay u kala dhasheen wadamada Ugandha iyo Burundi waxayna gaarayaan ilaa 5 sarkaal kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ciidanka Itoobiya ee haatan heysta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Saraakiisha AMISOM ee tegay saaka magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo dhaweeye garoonka diyaaradaha ee magaalada masuuliinta gobalka iyo kan degmada waxaa sidoo kale ku sugnaa garoonka taliyaha ciidanka Itoobiya ee magaalada Baydhabo Jen. Yohannes .

Ciidanka AMISOM ayaa waxaa la geyndoonaa dabayaaqada bisha April magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online