Sheekh Xasan Daahir aweys oo Naqdiyey Bayaan ka soo baxay Ururka Al-Shabaab(Akhri + Dhageyso)

March 31, 2012 - Written by

Afgooye:-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha iyo Culumada ururka Al-shabaab ayaa shalay tacliiq saaray khudbo jimcadii shalay ka baxday Masjidka Al-Nuureyn ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka shabeelaha Hoose wuxuuna Sheekha amaan u soo jeediyey Khadiibka Masjidka wuxuuna sheekha sheegay in uu ka hadlayo arin ka duwan wax uu ka hadlay Khadiibka.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in Khadiibku iyo Sheekh Xassan  ay ka hadleen 2 mowduuc oo muhiim ah  oo ah jihaadka iyo cadowga dalka ku soo duulay oo la iska dhiciyo iyo Munkar iyo xumaadta oo dadka laga reebo inkastoo Shiikhu uu sheegay in arrimahaas siddii la rabay aan loola dhaqmin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Bayaan ka soo baxay Ururka Al-shabaab kaas oo uu Sheekh Xassan Daahir Aweys sheegay in uu naqdi u soo jeedinayo bayaanka Xarakada Al-shabaab kaas oo lagu sheegay in Ururka loo ekeysii yey Jamaacadii Muslimiinta ee aan la khilaafi karin qofkii khilaana uu ka baxay Baycadii caamka ahayd taas oo uu Sheekh Xassan ku tilmaamay mid khalad ah. Halkaan ka eeg Bayaankii Ururka Al-shabaab

Sheekh Xasan Daahir aweys ayaa ku tilmaamay in jamaacadaadka Islaamka ay kuligoood isku koobin arimaha Islaamka gaar ahaan marka uu jihaadka uu yahay mid fardu cayn ah wuxuuna si gaar ah u xusay qaar ka mid ah xarakaadka Islaamka .Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka digay in jaamacatul Islaam laga dhigo xitaa Al-Qaacida wuxuuna ka digay in dhiiga muslimiinta lagu baneysto Jamaacatul Musli miin baan nahay wuxuuna ugu baaqay in umada loo turo loona naxariisto.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in jihaadku yahay mid waajib ah oo saaran dadka oo dhan ayna u qumanayan balse in koox kaliya ay tiraahdo inaga maahana cid kale ma jihaadi karto aysan ahayn wax sax ah, Sheekh Xassan Daahir ayaa  sheegay in laga digtoonaado arrinkaas oo bal markii cadow ga laga guulayso dadka oo dhan ay wax dhistaan, Sheekh Xassan ayaa ku celceliyey in aan la gashan shaati aan la lahayn oo uu ula jeedo in axaadiista iyo nasuusta si khaldan loo daliishado waaqiceediina aan la fadhiisin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa kale oo ku hadlay DFKM wuxuuna sheegay in kuwaas warkooda uu cadyahay ayna gaalo la safteen wuxuuna ka digay caadifo diineed iyo mid qabiil. Sheekh Xassan Daahir Aweys oo soo hadal qaaday DFKM ayaa xusay in ay wax ay ula dagaalamayaan ay tahay iyagoo la saftay gaalo oo xitaa meydkoodii ay gaalo ku tunaysó buu yiri duliga.

Hoos ka Dhagayso Tacliiq Sh Xassan Daahir Aweys

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShXasan.mp3]  Halkan ka soo rogo

Sheekh Xassan Daahir ayaa sheegay in la joojiyo handadaada wuxuuna sheegay in uu is qadimayo uusana ka aamusi karin arimahaan ka dib markii wadaadii qaar ay baqeeen wuxuuna Sheekh Xasan sheegay in dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad bare ay ku fashilantay cagajuglay iyo handadaad.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sidoo kale bilo ka hor ka digay in culimada dalka Soomaaliyeed lagu tilmaamo kuwo culimo,uusuu ah  isagoo ugu baaqay dhalinyarada in ay ka digtoonaadaa in culimada ay ku xadgudbaan , Sheekh Xassan Daahir ayaa ku celceliyey war culimada daaya oo ilaashada , Hadalka Sheekh Xassan ayaa yimid ka dib dil fool xun oo loogu geystay magaalada Boosaaso Allaha u naxariistee Sheekh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay dileen amniyaadka ururka Al-shabaab si ay cadeeyeen eheladii iyo culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hoos ka Dhagayso hadalkii Sheekh Xassan Daahir oo ay Halgan .net horay u faafisay

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/caydaculumada..mp3]

Halgan.net
Afgooye

50 Comments so far

Leave a comment

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk asc wixii al shabaab ah waqtikiin wuu dhamaadey somahn marka waxba niima harin ee meesha iskaga daga gabal kiina wuu dhacay

  2. scw waxay ila muqata hadalkan ka soo yeedhay inkasta oo ay tahay waqti danbe lakiin waxaan u arka baadiro fiican ee alle khayrka hana waafajiyo alle quluubta muslimiinta ha iswafajiyo scw

  3. Asc, Sh.Xasan qofki dhageysta hadalkiisa wuxu dareemaya inuu takfiirki wili ku jiro oo u Shariifka iyo ragiisa u gaalo u haysto hadeyna xeel dagaal ha aheyn. Tan kale oo Xasan aan leenahay waa inuu Alshabab banaanka ka istaaga haddi hadalku dhab ka yahay si ay dhalinta iyo dad badan oo xarakada xusni niyo u galay u arkan kuna deystaan.Si’ loo badbaadiyo diinta islaamka iyo somaalida Ina godane iyo raga la midka ah waa in la iska qabta, Xasan wa inuu arrintaas waajaha, waana midda Soomaalido Xasan ku haysto.

  4. Maanta waa dadka muslimiinta ah yaa lugu waxyeeleeyn magaca xarako ama jamaaco gaar ah. Shalay waxey aheeyd Shacabka dhimashadiisa ugeedada aan leeynahay ayaa kaweeyn.Labadaba sheikh xasan ayaa laga hayaa.waxa is weeydiin mudan, sheekhu ma ka toowbad keenay hadalkiisii hore ee ahaa shacabka waxyeeladiisa waxa ka weeyn ujeedka la leeyahay.
    Sheikh xasan waxan dhihi lahaa inta eydnaan wax wacdiyin adigu is wacdi.

  5. sheekh aad ayaan ugu faraxsanahay sidan aad sameysey.. waxa dadbadan ku farxayyaa in alle kugu soo celiyey sidii hore.
    hogaami dadka qaldan balse ha raacin dadka qaldan ileeyn adaaba sameeyeey

  6. SALAAMAAT .AL.XAMDULILAAH MAADAAMA MACALINKANAGII SHEEKHANAGII WAXII UU NABARAY KUSOO NOQDEY EEBE WELI SIDII AYAAN NAHAY EE ALLAA FAXANI SH. XASSAN ICLAAMI AAN KU RAACNEE SIDA SAXDA AMMA ISKA BARI YEEL UNA SHEEG .JAZAAKALLAAHU KHAYRAN .. ALLAH SHAROODA MARKROGOODA KAA BADBAADI .. WAXAAN NAGU ABABISEY QUR,AAN & XADIITH DHAB AH. HADASE WAXAAN OGAADEY IN NASHIIDA & QISSASUL ASAADHIIR ,, AAN LAGU BANEYSAN KARIN WAX WALBA
    YAA RACAAKALLAAH

  7. asc alshabab way is mahadiyeen ilaa ayba ismoodeen jamacatul islam inay yihiin !!!!!!!hadalkan sh.xassanna wa mid nagucusub maxayelay lagumayaqanno dhaliyarada inay qaldkoda qirtan isna saxaan . waxdsa ogaataan inay fursadu dhamaatay ummadasomaliyeedna idinma aaminayso hada kadib .fursad ad uwayn ayaad haysateen inaad kasbataan ummada somaliyeed qalbigeeda ood uturtaan diinteeda bartaan hadasse way idinka aaminbaxday kadib markaad gawrac dhagta dhiiga uwada darteen . jahliga iyo islawaynanka iyo ismahadinta iyo khibrad la aanta ayaa halkaas idin dhigtay sababtayna inaad umada somaliyeed galo abaar iyo gacantiina kulaysaan.

  8. All shabaab,ninkii aan raacn,waxay u ya qaaniin inuu , Gaal. yahay marka waxaan sugeenaa inay ayaga is Gaaleysiiyaan,diinta cayaar ayay ka dhigeen,xasan daahir waxba yuusan marba sheeko idiin sheegin waa isu mide,somaliyeen qabiil intaan iska dayno ,kuwa diinta ku qaraabanaayo iska jira,haba noqdaan kuwaan la baxay JAGO WAA JAMEECO,ha ahaadaane, cadawga ayay la shaqeeyaan kuwan.

  9. Asc ilaaheey ha barakeeyo al sheeyq al mujaahid al muraabid xasan dahir uwey waxa u sheegay qodob aad iyo aad muhiim u ah taasoo ku tusinayso sheeqa wali in uu xaqa iyo dariiqi toosna ku taganyahay kana ficanyahay culumo badan oo ga gaabsaday arintaas ayadoo arimo amni ahaan waxaan leeyahay ( sheq xasan ku soco wada aad hada qaaday hana ka lab labeenin camlka aad hada ku jirtid aa jihaadika ah mah maaaa kaaanati al duruuf waxaana tahay macalinki jihadka ardul somalia ) fanaxanu bi cawanika yaa shayqunaa al mujaaahid al muraabid

  10. HAARUUN walaalkaas ayaan fikradisa laqabaa qofku wuu qaldamikaraa yaan dhinaca xun wax laga eegine dadoow dhankafiican waxka eega hadii uu sheekhu mawduuc muhiim ah kahadlay maxaad u naqdinaysaan teeda kale hada kahor markii culumadii uuku been abuurtay ina takar shekhu wuu naqdiyay , waliba xasan takar wuxuu ugu baaqay axaadiithtii lagu haystay inuu kajawaabo marka tasaa cadaynaysa inuusan sheekhu laqabin shababka waxyaalo badan inuu lasoo daahay arintana sababo looqaateena ayaa jira ee yaan ladagdagin

  11. Asc oadayga hadalkan waxa laga rabay maalinti uu kasodagay garonka numberkonton ee inta somali wax fahmaysa loo wada tagay ayadon loo kala harin culumo iyo caamaba si hoose iyo sikoraba wax logu sheeg xataa waxa dhacday maalmaha odayga u cusba in qabiilka u kasoojeedo inta ay u tagen inay ku yirahden shekh xasanow bixitanki itobiya kadib dhib iyo dagaal hanoo horseedin dadkan sanado ayan dhib ku jiren hada ayay guryahoda ku solabten e xasanow u tur haday maanta turid iyo aktada taalo jawaabtii odayga e dadka uu wax ku noqday u siyay waxay ahayd waligin dhimasho iyo qax wada ku jirijirten e hadana ku jira taasna waxay dhiig u yeeshay reer qalaaye o markas xamar kudabayara manto u hore nogu sheegay inuu ku biiray reer qalaaye marku ku biiray kadib ayay boqolal muslimin ah midi sawir ah ku gowracen uusana ka hadlin mamantaa hadal u banaanyahay waxan oran lahaa oday dadka waa kuwii aad bahalada ka raacday e catowgaga ka dhaaf

  12. ASC WR WB WAXAAN AAD U AKHRIYAY COMMENTS DADKA AY QORAYAAN WAXAAD MODAA DADKU BADANKOOD INAY SHEEKHA NAQDINAYAAN MID YIRAAHDA HADA KA HOR AYAA LOO BAAHNA MID YIRAAHDA WA WAXBA KAMA JIRAAN MID YIRAAHDA DHIIGA UMMDDA AYAAD DADISAY MARKA WARKAGA SOCON MAAYO HADABA SUAASHA IS WEYDIINTA LEH WAXA WEEYE SHEKH XASAN HADUUSAN HADLI LAHAYN MIYAA LA EEDAYN LAHAA HADUU HADLANAYNA LOOMA CUDUR DAARAYO MIYAA MARKA ANIGA WAXA ILA QUMAN IN DADKA QAARKOOD AY WAXA AY QORAYAAN ALLH UGU CABSADAAN SHEEKHUNA MACSUUM MAAHA WA QALDAMIKARAA BAL QOF WALBOOW IS DHIG HALKA SHEEKHU UU JOOGO MA JECLAAN LAHAYD IN LAGUU CUDUR DAARO TEEDA WAXAA ALSHABAAB LAGU EEDEEYA INAY ADADEEG BADAN LEEYIHIIN MARKA MAXAAD KUKALA DUWANTIHIIN IDINKA IYO ASHABAB HADII IDINKA FAKANAYN QOF XAQIIQDA KA HADLAY( SHEEKH XASAN) OO KALE OO AAD DHINACA XUN WAX KA FIIRISAAN. ALLH WAXAAN WAYDISANAYNAA INUU SHEEKHA IYO INAGABA NOO DANBI DHAAFO. WCS WR WB

  13. Asc,
    Bayaanka ina godane waxa ka muuqda cabsi soo wajahday xaraka dhexdeeda iyo inuu doonayo dad sare oo xaraka al shabab ka tirsan
    sida Ibrahiim afqaan iyo garab Amniga oo aad wayaahan kala hadlay waxyaalo badan oo uu ku talaabsaday oo uusan kala tashan. Waxa dhici karta inuu ka takhalusayo ragaas, lakiin wuxuu u baahan yahay kursi uu boodo si uu dilay ragaas sidii looga bartay lakiin markaan kuwo uu shiriyo oo u hadla ma helaya. Ina godane oo culumada cilmi nafsiga ay
    ku tilmaaman inuu ciil bulsho qabo ay suuroowdo inuusan cawaaqib eegin oo carrada uu hadbo qolo kula dhaco. Xasan wuxu u arkaya nin doorkiisi uu damaaday.
    Soomaalido taariikhda way iloowda Xamar labo qax ba hadda dadku sheegaan mid waa kii etobiyaanka iyo midna waa kii xasan dahir, dadka marka aad weydiis waxay leeyihiin shabab oo xoog darran buu Xasan waddanka soo galay, siyaasadiisi baana shabaab saaxa hantisiisay.Al Shabab runtu waxay tahay in rag badan oo mid ah ay khawaarij yihiin wax kalena ay u waheliyaan.

  14. Ascwwb Horta sheekh ma joogo meesh Xassan Daahir wuxuu rabay kursi waana waayay taa horta shaki kuma jiro.Shu’asha meesha taaala waxy tahay maxaa hadda hadalkan ka soo yeeriyay ileyn shalay duqa jihaad ayuu ku jiray ? kalimadda “JIHAADKA” maxaa ku dhacay . walaalayaal jawaabta waa sahlan tahay cabsi ayaa soo fool saartay oo soomali markaa waa ay ka go’an tahay in ay dadkaan iska qabato meel uu aado ayuu waayay mana safri karo ee fahma odayga….

  15. asc,
    Xasan Dahir Awes hadda ka hor ba looga baahna warka inu u hadlo,
    ina godane xaraka Alshabab meesha u la rabay hadda buu geeyay, ina goday waa mashbuuh, dacway la soo waday ayu dadki nacsiiyay.
    Reerki xamar sheegtay waa inay ina godane soo qabtaan.

  16. هذا التعبير طالما ننتظر منه أو غيره إلا أنه قد تأخر جدا

  17. anigu uma arko sida walalaha badan wax u fasirayaan qofka muslinkaa haduu khalad kasoo noqday waa in lasoo dhaweeyaa mahan in waxtagay lagu dacaayadeeyo sheekha waa inuu ragbadan oo kufakara kasoo badbaadiyaa shabaabka waana inuu dawlada wadahadal lafuraa nabadana lagawada shaqeeyaa wabilaahi tawfiiq

  18. xassan haduu run sheegayo muxuu hore uga hadli waayey,maxaa marka la,wiiqay iyo weedhani kulmiyey,yaa asaase u ahaa dhalintani asaga iyo madaxwaynihii marxuum cabdullaahi ka horeeyey,kii marka haystey,iyo kywo kale oo badan,22 sano kadib yuusan sheeko raqiisa noo keenin,halaga digtoonaado xassan daahir uways guud ahaan iyo gaar ahaanba( indhihiina fura reer puntlandiyoow)

    • xasan daahir iyo kooxdiisa ilaahay umada ha ka qabto diinta bay si xun oo qaloocsan u fasirteen, mashaa’ikhdii iyo waxgaradkii iyo dhalinyaradii iyo haweenkii iyo waayeelkii wax ay dhaafeen lama arko, hadba fal naxdin leh oo naxariis daro ah baa ka soo yeerayo , diintuna wa naseexo iyo naxariis , sideedaba ma ogola in wax loo shego miyay yihiin macsuumiin? maya ma ahan waa bini aadam waana khaldami karaan , aad ayay niyadayda uga bixi la;dahay dilkii ay dad badan oo wanagsan ay laayeen gaar ahan abtigay Dr.AXMED XAAJI C/DIRIXMAAN janadii fardowso allaha geeyo, maqaamkiisa bulshada dhexdeeda ilaahay ayaa kor u qaaday ilaahay ayan uga baryeynaa inuu maqaamkiisa aakhirona kor u qaado isaga iyo inagaba, shabaab finalkii bay marayaan afarta jiho waa laga hareereeyay puntlan allow aysan dhanka bada uga soo fakan inta hada ku jidhana buuraha galgala tabar ma lahae hada ha la is raaciyo waa iga talo.

  19. Shiikh Xasan waa rajaynayey inuu hadalo noocaan oo kale la iman doono maxaayeelay waa nin ku waayooloobay dacwada shabaabna arka siday wax u wadaan. Shiikh Xasan waxaan ka codsanaynaa hadaan nahay dhalinyarada saxwada salafiga ah inuu noo abuuro urur salifi ah oo ka duwan sida shabaab wax uwado si soomaaliya wax looga badalo.

  20. Nin biyo qaadeen xumbo cuskay…. Xasan Dahir markii uu dhahayay dadka Muqdisho way soo dhiman jireene xabada ha u adkaystaan, maka fakaray dhibaatada uu kuhayo shacabka iyo miskiinada… Maanta oo gurigiisi biyo ugu soo galeen oo uu naf lacarar yahay buu wuxuu leeyahay shacabka hala badbaadiyo culumadana hala dhoowro… Be careful what you wish for… Good luck saving your AAASS.

  21. Asc. walaalayaal dhibaatada ummadda Soomaaliyeed haysataa maaha inta dhimanaysa oo keliya,bal intii hore iska daayoo intii aynu dagaaladan socda qaybta ka ahayn hadaynu nahay wadaada magacaad doonaysaba sheego oo, imisa ummad soomaaliyeed rogmatay.qaxoontiyada aduunka ugu waaweyn oo ah kuwa soomaalida, badaha lagu haligmay, inta ummad soomaaliyeed gaalawday oo diinta ka baxday,haddaaad wadama gaalada degantayay bal mar soo fiiri meelaha khamrada lagu cabo imisa dhaliyaro soomaalieed tuban. inta caruur gaalo qaadatay, magaaladan aan deganay oo keli inta caruur muslima gaala qaatay kumaankun way kabadanyihiin, waalidkoodna waali ku dambeeyey.ilaahow nadaba qabo.

  22. A/C wallayaasha muslimka ahoow
    waligeey laba nin ayaa war ideeqsiiyay
    mid waa sh max macalin kan labadna wuxuu noqday sh xassax daahir aweeys
    markuu jeediyay qudbadan taariikhiga ah IUlaah ajar iyo xasanaad hakasiiyee
    Walaalayaal su,asha meesha taala waxeey aniga ila tahay shiikhu madardaarmayaa mise ?
    haduu runta ogaaday
    Ileeyn in gaalo lala dagaalamo iyo in umada muslimiinta ah bambooyin lagu laayo weeykala duwantahaye

    Marka walaalayaasha muslimiinta ah waxaan usheegayaa in sheekha laga badbaadiyo Alshabaab
    inta eeysan khaarijin
    maadaama uu runta sheegay (ragaasina runta majeclo)
    Sidaas iyo nabadgalyo

  23. arinka uu sh xasan hada ku baraarujinayo dhalinyarada alshabaab waxaa ficnaaan lahyed iney kaso hordhacdo marxalda haatan ah waayo hada meel waxaa la gaaray aan naqdin nocaan ah waxba lagu saxi karin, lllaahay janadiisa ha geeyo DR axmed xaaji c/rixmaan muxadarooyinkiisa u danbeyay intii maxkamadaha dalka qabsdeen arimaha uu aad oga hadali jirey ayeey kamid ahayeen in la isa saxo oo la is naqdiyo si isa saxid ah ee aan durid iyo kala tag midna aheyn balse si aan ummadu ugu dhaicin khaldaadkaan oo kale balse shalay hadalkii sh axmed iyo culmadi kale ee laga diiidayay ee logu jawabayay gaalo raac iyo culumo xun qaarkoodnaba lagu dilay ayuu hada sheikh xasan laso baraarugay,
    للاسف الشديد

  24. Aniga waxaan shiikheyga ka maqley in Nabiga CSW habeenkii dheelminta ee loo yaqiiney Leylatul Israa wal micraaj ee loo soo bandhigey janooyinka iyo naarta, ka bacdina waxyaabihii uu ku soo arkey waxa ka mid ahaa in naar walba iridkeeda ama afaafkeeda uu qof wadaad ah ku xiranyahay, waxan taa uga gon leeyahay, culimadii way wareersheen dadkii oo maalin waxay ku leeyihiin qof walba oo mabda’an ka soo horjeeda ha la dilo (amaa macanaa amaa dhidanaa)marka kalena wey is wanaajinayaan sida hada odeyga ka muuqada, wax badan oo hadal uu horey u yirina waa ka duubanyihiin oo umad muslin ah dhiigooda iyo xoolohooda uu ku baneynayey! marka aniga waxaan ku soo koobaya Allihii ku abuurtey u toowbad keen kana haajir wadankaan oo dhul fog u haajir. WSCWW.

  25. asc ilaahay ayaa qof walba kala xisaabtamaya waxa uu galay intii uu aduunka joogay, dadkuna markhaati bay ka yihiin oo iyaga arlada khaliif looga dhigay, marka xasan daahir iyo inta la socoto ilaahay shartoda umada soomaaliyeed haka qabto kolay waxa ay yihiin waa labartay, dawladana ilaahay sharteeda haka qabto cadow shisheeye ayay dalka soo glisay, xasan daahir iyo kooxdiisa waxa ku dhacday jab ay filan waayeen maalinba meel hor leh ayaa laga eryaa, puntland ma iman karo oo dagaalkii ssdf uu lagalay baa la xasuustaa oo colaad baa halkan looga hayaa. lkn waxaa aad ugu mahad celinayaa sheekh c/qaadir nuur faarax o isu xilqaamay dhib badana umaray siduu ujoojin lahaa colaadaas. waxaa ku dhacday kooxdaas (wa daaqat calaykumul ardu bimaa raxibat thuma walaytum mudbiriin) waxan ku soo koobayaa somali waa muslimiin ha is dayso . ilaahay dambigayga iyo kan waalidkay iyo muslimiinta ha dhaafo aaamiin.

  26. asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu amaa bacda yaa islaam
    walaakay xassan ma, afgooye buu hadalkan ku yiri, oo wuu isqadimay,mise meel ka fog buu joogaa,hadii uu afgooye joogo oo uu saa yiri geesi dheh, bal maah maah soomaali ah baa tiraahda(wiyil saan geeleh waniiqa ku jirta, bimacnaa wax baa ka bedelan)si kastaba waa ciyaar habeeneed ???????

  27. Oo danbigii uu galay durbaba ma la hilmaamay,20 sano ayuu dhiig gacmaha kula jiray ina daahir aweys goorma ayuu noqday halyey.
    Arinta kale meel uu u caro ayuu raadinayaa.

  28. Ilaahay sheekha haka abaaliyo mawduuca oo sida saxa ah u iftiimiyey,
    wixii dambiyana Anaga iyo Asagaba ha u dhaafo…….

  29. Asallaamu Calaykum

    Sheikh Xasan Allaah ha dhowro malaha waa nasri umada ale la soo maagay waxaan qabaa Sheikha hala soo dhoweeyo hana la wareesto Sheikhu wax badan ayuu og yahay hana laga faaiidesto caano daatay dabdeed ayaa la qabtaa dadka sheikh afla gadeynaaya Allaah uga cabsada in culimada wax la gaarsiiyo, inta qaldan allaah ha soo hadeeyo inta kalena Allaah hanoo barkeeyo.

    • ASC dhamaantiin, to amala iyo ahmed, waxaan idin weydiiyay walaalayaal, maxaa laga soo dhaweeystaa Oday Xasan Daahir Aweys, oo laga wareeystaa, maxey tahay waxa uu ogyahay oo laga dhageeystaa? waa waxba, ninkaan odayga ah dhiigii dadka soomaliyeed ee uu qubay ayaa afka uga buuxa. Marka, dhibka dadkeena Somaliyeed heystaa ayaa waxey tahay, in odaygaan iyo kuwii ka horeeyay ee labaatan iyo dhowr sano dadka dhibaateeyay, in si sahlan loo dhaho ha la’iska dhaafo, oo eey “total impunity” oo xisaab la’aan ah intey wax ku qaribaan, aan loo raacan waxba, waa taas mushkilada na heeysto. Laakiin, waxaas waa in aanan yeelin, oo qofkasta waxii uu haleeyay, iyo dulmigii uu ku sameeyay masaakinta soomaliyeed laga jaa’iseeya, saacadaana waxaa la joogaa waqtigiisa odayga ee ilaahayoow nooga aargud asaga iyo waxii dadkaan ducafada ah ee Soomaliyeed dhibaateeyay, aaamin, aamiin ila dhaha, walaalayaal, qofkii aan dhihin, waa qof aan damiir laheeyn ama kala jecleeyn masaakiinta rafaaday, dhimatay, dhaawacantay, haraaday, qaxday, la kufsaday, la xiray aduunka oo dhan, bad ku baaba’ay, qaxooti ku noqday dalka Somaliyeed gudihiisa iyo dibadiisaba.

  30. ASC dhamaan, aniga uma mahad celinayo Shiiq Xasan Daahir Aweys sida dadka iga horeeyay commentigareeyeen, sababtana waxey tahay, ma qabo in uu ururkiisii hore ee Xisbul Islam amaba mid cusub odaygaan hada bilaabo, taasoo ah ku celcelin qaladkii uu Xasan Daahir Umada Soomaliyeed ka galay markii uu Alshabaab ku biiray, markii uu diiday nabad iyo wada hadal in uu Dowlada (waxii khaldana la saxo) hada dhisan la galo kadib makrii Ethopianka wadanka ka baxeen (2008), marka walaalayaal, Ilaahaan idinku dhaarshee, aan is xisaabino, oo aan xisaabtano, aaway, kumaanka kun ee Soomali ee ku dhintay laga soo bilaablo markii uu Eratariyo kasoo noqday oo uu siyaasad fashil ah qaatay, yaa la waydiinaa intii ku dhaawacantay, ku qaxday, ku rafaaday Xasan Daahir Aweys iyo Alshabaab siyaasadooda fashil ka ah? Marka waxeey ila tahay, odaygaan in uu Ilaahay u towbad keeno, kana fadhiisto siyaasada iyo waxa soomaliya kasocdo, intuu dhib kale umada u horseedi lahaa, waaba haduu alshabaab maantay ka fakado. Wasalaamu caleykum.

  31. Weligeed bidco bidco ayay dhashaa.

    Xarakada Shabaab waxay banneeysteen dhigga umadda.

    Waxay xumeeyeen wejiga islaamka ee ifiyay Somaliya.

    Waxay ka dhigeen islaamka mid u adeegta Godane not mid u adeegaysa fahamka saxda ee Islaamka.

    Waxay ka been sheegeen nusuusta sharciga ah

    Waxay diideen in culimada dhageystaan ama la doodaan xitaa haddii wax tabanayaan

    Waxay dhumiyeen kalsoonida umadda.

    Sheekh Xasan Daahir ku biirkiisa shabaab diiniyan sax ma ahayn.

    Maanta ayay u caddaatay in kooxdan tahay takfiir ka fog manhajka salaf

    Hadalkiisu waxaa uu ku tusinayaa inuu sheekha goaansadey inuu xaqa caddeeyo.

    Waa soo dhoweynayaa moqwifkaa islaamiga ee sheekha.

    Waxaa loo baahan yahay inuu xigo in xisbigii islaamiga dib loo nooleeyo.

  32. Allaah ajar hakaa siiyo sheekh xasan daahir qudbadaada qiimiga badan.
    Hadii lahelo dad diinta u qiirooda oo xumaantooda iska naqdiya runtii waa muhiim maxaa yeelay qofka inuu is moodo kan ugu saxsan umada islaamka waa halis.

  33. Inaad soo daahdaa ka fiican inaadan imaan!! Sh. Xasan hadalkiisa waxaa ka muuqata inuu soo maray wakhtiyo aan xaqa. La sheegi karin, maantana awoodii hor taagnayd ay daciiftay. Sheekh xasanoow ku adkayso kalimadaas, kaste oo laguu handado. Ummadu raali kama sida shariif wax i wado, shabaabna xaalkooda waad u jeedaa. Waxaa lagaa rabaa ummada inaad wax badbaadiso, wixii horana la iska hilmaamo dalkaan koox Ma badbaadin karto… Waxaan kugula talin lahaa 2 arimood mid inaad ku dhaqaaqdo. 1- siday shabaab wax ku wadaan wax ka badal, 2- ka bari noqo shabaab dhaqdhaqaaq kalana abuu ( nabadeed)

  34. acww
    Sh.Xasan war hada ka hot loo baahnaa ayuu sheegay,laakiin waxaan filayaa duruufta ayaan saamixin in wax la saxo hada ka hor.
    dhibka soomaaliya maanta yaala wuxuu ka dhashay axkaam aan meesheedii la dhigin.
    urur yar oo shalay dhashay oo leh waxaan nahay xukuumadii muslimiinta ee sharciga ahayd,ninka ama jamaacada nagu khilaafta ra’yi ama afkaarna waxay la mid yihiin dad diiday dowlad muslim ah,waxaana ku qaadaynaa dhamaan axkaamtii arintaa ka ratibmaysay.Dhibka oo dhan halkaa buu ka imanayaa, sheekh Xasan maanta waa is qadimay,waxaana cadeeyay dhibka jira iyo xalkiisaba. waxaa iswaydiin mudan hada,suura gal ma tahay in dib loo yagleelo midnimadii iyo wada shaqayntii saxwada geeska afrika?
    wcww

  35. khayr ala ha siyyo sh.xasan daahir waan filayey inuu yahay nin khayr jecel furintana jooga waxay kaloo cadaynaysaa arintaasi in sida laga sheegayo koofurta somaliya waxna la naqdin karo sidaa darteed sida ay iclaanku sheegayaan ee la leeyahay shabaab ninkii fikirkooda naqdiya waa dilaan waxbaa ka qaldan

  36. waa korma yaa sheekh? marka fandhaal iyo xeero kala dhaceen.
    hadda is aamin majiro nin walba gaalaysiinta ayuu gacanta ku wataa.
    in badan oo umadda kamid ah ciidamada ajnabiga ayay kaga kalsoontahay nimankaan aad la joogto .waayo waagii hore ee ay soo galeen ciidamadaan, shacabka ayaa dagaalamay, markii ciidamadda ajnabiga(itibiya)ay saareen.
    oo ay ku wiil waayeen ku hanti waayeen kuguri waayeen.baa kooxdaan tiri waxaan anaga ahayn islaam ma aha . diintiina si xun uturjumay
    xagga gacan kulaylkana itobiyaankii baa janao noqday(insaxa tacbiir)
    marka hadda sheekhoow waxaa taagan mahmaahdii carabiga ahayd ee oranaysay(yadaaka oowkataa wa fuuka nafakh)(يداك اوكتا وفوك نفخ) adiga laakiin waaba kuu cabsanaynaa
    RAGAA HADALKOODA WAXYIGA U HAYSTA .AMIIRKOODANA NABIGA U HAYSTA HADII AAD SAX ISTIRAAHDO.WUURIDOOBAY AYAABA KUGU FILAN EE BAL IS ILAALI.

  37. asc cadaalada lagama tago marka hadlaka xasan daahir waa hadal nin raga uu yiraahdo laakinse jawaabta ee ka bixiyaan dhalinyarda ayaan sugeynaa

  38. Maa sha alaah shekhanaa ajar allaha siiyo waa waxa lagu yaqaano culumada

  39. ACW ikhwah sheekha Bayaan kuu ka hadlayo ee Xarakada soo saarty waa Bayaankee??

  40. asc, jazahullahu khayran shiikh Xasan waana caalim rabaani ah geesina ah,aad ban ugu riyaaqnay hadalada qiimaha badan ee uu ku saxayo gafafka isdaba jooga ah ee ay galayaan dhalinyarada,waan garan karnaa dagaalkii Uxud wixii soo gaaray Nabiga SCW iyo Asxaabtiisa, kadib markii raggii la dhigay buurta ay jabiyeen amarkii Nabiga SCW,marka waa sax in laga ilaaliyo gafka camalka Jihaadka si ilaahay guusha inoo siiyo gaalada iyo acwaanteena u jabiyo. حفظ الله شيخنا الفاضل المجاهد الشّجاع

  41. ac waa arin muhiim ah sheekh xasana waajib diini ah ayuu gutay waahadii lahelo dhego waxmaqla lakiin mafilaayo in shabaab oo inxiraaf ku fogaaday ay qaadan doonaan walaahu mustacaam

  42. Hadal run baa lagu cadeeyaa ilkona rumay.
    Sheikh Hassan warkaan waa sugay, ilaahay miisaanka xasanaadkan ha u saaro,xaqqu waa cad yahay,isna waa isu qadimay inuu caddeeyo. wixii cilmi ka soo haraa waa jahli iyo indho la’aan.bal aan eegno kuwii miciyaha, carrabada iyo farahaba fiiq fiiqnaa, ee caadada ka dhigtay inay ku casheeyaan, ku qadeeyaan dhiigga iyo hillibka culimada waxay soo qoraan, waayo culimo badan oo aan odhan inta sheikh hassan yiri ayaa fakan waayey geeri iyo nolol midkoodna…….waad mahadsantihiin halgan.net soo diyaarinta cod iyo qoraalba cadli ayay ka turjumaysaa.

  43. Salaamu Calaykum

    Sh Xasan Daahir Aweys goobta uu joogo waa muhiim ha saxo Shabaab inta uu sixi karo laakiin u maleyn maayo in ay qaadanayaan waa dad ku xiran afkaar laga soo manguuriyey Al-qacida alqacidana waan aragnay wax ay ka dhigtay Ciraaqa,Sacuudi carabiya ,Aljeeriya,Yemen,iyo Libya ,

  44. رأينا فى بعض المواقع من كتب عنوانا مفاده أن أحمد غودنى هو أمير المسلمين فى شرق إفريقيا وكان يبدو لنا عنوانا يترجم عن التطرف العميق فى حد ذاته، وفهمنا من كلمة شيخ أويس أنه إكتشف معنا مثل تلك المغالطات التى تنم عن الجهل والتطرف،
    وشكرا للإخوة فى هلغن نت

  45. Wa go,aamadii lagu yaqaanay Culumada Xiliga ay imaato wax yalahas oo kale, ilahay haka abaal mariyo kalimad qiimi leh buu soo jeediyay

  46. asalamu caleykum sh. xasan asaga ayaa shabaab maanta meesha eey joogto geeyey hadana waxba kama qaban karo marka sh. xasan daahir maalintii uu ka yimid dalka Eritria ayuu go aansadey in uu shabaab u hiiliyo asagana maanta hiilo badan kama heysto shabaab ..ilahow ceebta astur walaahi waa war ugub ah

  47. waa soo dhaweeyneeynaa hadalka shiikha, balse sheekh xasanoow kusoo dhawoow dalkaaga adiga oon cidna cabsaneeynin.

  48. Assalaamu Alaykum. Sheekh Xasan Daahir Aways waa isqadimay sida uu isagaba sheegey; waxaana laga fahmaya inuu hadalka noocaan ah aan lagu baran xarakada dhexdeeda.
    Su’aasha la isweydinkaro, xageebuu ku danbeeyey sheekh Xasan hadalkan kadib! Xarakadase maxay ka soo saartey jawaab ahaan? Haddiise ay xarakadu sidaas ku aqbasho, waa tilaabo hormarleh oo wax kabadalayso waxyaabo badan oo laga aaminsanyahay!
    Sheekh Xasan waxaan kula talinlahaa inuu xajisto makaankiisa sheekhnimo oo saxo wixii diinta ku qaldan.

Leave a comment

*