WAALAYAAB: Sh.Axmed Nuur Macalim C/qaadir

March 10, 2012 - Written by

Akhristoow qoraalkan waxaan ugutalagalay inaad sawir guud kaqaadato ama fikrad guud somalida kunool wadamada reer galbeedka meelaha qaar kood dhaqankooda diimeed meeshuu marayo, gaar ahaan tuulooyinka iyo gobolada ayna joogin culimo kufilan, Tanina waa warbixin  kusaabsan socdaal qaatay 35 maalmood oon kumaray gobolo kuyaala wadanka maraykanka aniga iyo culumo kale oo saxiiba dayah, socdaalka waxaan kabiloonay gobolka seattle,Washington, goobaha aan kuhakanay waxaa kamid ahaa gobolka minasota,gobolka Nebraska waxaan kabooqanay magaalada South Sioux iyo laxington,gobolka Kansas waxaan kuhakanay Gardan city iyo Dodge, gobolka Colorado waxaan kuhakanay magaalada Danfer, Fort morgan iyo Greeley,gobolka Iowa waxaan booqanay magaalada Des moines.

Intabadan magaala walba waxaan joogaynay labo ilaa sadex maalmood waxaa lagayaabaa akhristoow inaad u aragto safar dalxiis iyo tamashlayn kujirto laakiin wuukaduwanaa oo wuxuu ahaa safar adag oo meelaha qaar kood masaafo dheer lasocon hadafkiisuna yahay labo arimood dadka somaaliyeed ee kunool tuulooyinka hilibka laguqalo in muxaadaraad loosoojeediyo baarkin wayn oo lagadhisayo masajidka abuu-bar Islamic senter seattle Washington isna ay caawiyaan waxaan wadnay kutub iyo cajalado diiniah oon meel walba wax kureebaynay,waxaan kaqayb qaadanay xalinta khilaafaad badan oon lakulanay.

Waxlaganoxo:akhristoow waxaan lakulanay waxyaabo badan oo laga noxo tusaalana unoqonkara sida mantadadkeenii soomaaliyeed diintoodii iyo akhlaaqdoodii uga siifogaanhayaan,waxaan layaabijiray markaan wadankan kuaragno umado muslimiin ah ooyimid wadan kan 50 sano kahor oo diintii magac uun kahaysta sida baakistaaniyiin iyo carabtii xiligaa timid,Somalida oo laguyaqiinay tadayun iyo ku adkaan diintooda, culimo carbeed oo wadamada reer galbeedka yimid hada kahor waxay kutilmaameen somalida waa rusushii alaah usoo diray dadka kunool wadamada reer galbeedka,laakiin manta waxaad arkaysaa  wax laganoxo sida:

1-masaajid kuyaalay meel somalidu kunooshahay oo laxiray kutubtiisiina meelo kale lageeyay markii lawaayay waxkutukada oo kiradiisa labaxa.

2-masaajid lafuro sadex maalmood  jimcaha,sabtida iyo axada afarta maalmood eekalana qufulbaa saaran waxaan soo xusuustay sida kaniisadaha sabtida iyo axada kaliya lafuro inay xaaladu kudanbeenkarto.

3-tuulo aanaan tagin laakiin udhawaanay waxaa naloosheegay somalidu inay kashaqeeyaan hilibka doofaarka marka lawaydiiyana waxay dhahayaan maxaa igagalay ma,anaa cunaya.

4-gabdho iyo wiilal aan isqabin oo ajnabi kala ah oo isladagan hal guri oo isla wadaagi qolka fadhiga,jikada iyo musqusha.

5-su,aasha ugubadan oo nala waydiin hayay markaan muxaadaro jeedino waa maguursan karaa ama mashukaansan karaa qof ninkeedii afrika jiro, ama qof ninkeedii afrika jiro oo ninkale ilmo udhashay xukunkeeda kawaran .

6-Daroogada oo faraba,an kuhaysa tuulooyinka gaar ahaan khamriga, waayo dadka meelahaa jooga waxay ubadan yihiin dad mar dhow kayimid wadankii iyo baadiye inbadan oo kamidahna dhibkeeda maba garan hayaan ama waxayba moodayaan ilbaxnimo cabitaanka khamriga.

7-guud ahaan waxaa kuumuuqan yaraanta dadka tukada waxaadna arki meelo badan masaajidka furihiisa waxaa haysta dhoor qofood waxaa suuragal ah midba mar inuu yimaado, uufurto, tukado, xiro,waxaan xusuustaa maalin aan saacado badan kor fadhinay masaajid oon sugaynay bal inuu yimaado qof fure wata.

Gabagabadii culimada wadanka maraykanka kunool howl wayn baasugi waxaad moodaa inwadaadadii isku uruuriyeen magaalooyinka waaween ee aykajiraan fursadaha badan lana halmaamay tuulooyinka lanatago ookaliya markii larabo in lacag lagasoo uruuriyo oo masaajid ladhisayo, waxaan kutalin lahaa inbadan oo dadka kunool tuulooyinkana soo jeediyeen in looyimaado oo loofaaiideeyo iyagoon wax aduunyo ah lagarabin,waa inaan diinteena ukhidmeenaa ,kudhaqanaa,sharaf dareenaa,waa in dhoowrkii biloodba ladiraa dhoor wadaad oo kormeer dacwo soosameeya.

Akhristoow waxaan soo arkay magaalo lagumagacaabo GREELEY oo kutaala gobolka COLORADO oo uukunoolaan jiray ninkii ladhihijiray SAYID QUDHUB alaah hauraxmee ee masriga ahaa kana midnoqday raga ugucaansan dhaqdhaqaaqii ikhwaanka waxaaan booqday jaamacadii uu dhigan jiray intii udhaxaysay 1948-1951  waxaana ladaldalay oo latoogtay sheekhaas mufakirka ahaa 1966 waxaa toogtay kacaankii Jamaal c/naasir waxaana loo cuskaday fatwadii xuseen shaafici,waxaan ugagoleeyahay wuxuu ahaa nin muslim ah oo diintiisa kudhagan waxaa waxlala yaaboah oo aad iisoo jiitay markii laiisheegay dadka kunool magaalada inay aad uqadariyaan muslimiinta ninkaas dartii oo ay kaxusuustaan akhlaaq badan oofiican oo uutusiyay oo ahaa sumad islaam,dad badana sababtiisay kusoo islaameen,taasina waxay tusaale utahay meeshaad joogtaba muslimiinta tusaale fiican unoqo.                                                                                Taasi waa muuqaalka tuulooyinka iyo gobolada culimada ubaahan, laakiin waxaa taas kaduwan muuqaalka magaalooyinka waaween ee culimadu kubadantahay sida Minnesota,Ohio,Seattle Washington,California, ood arkayso muuqaalka iyo labiska dadka muslimiinta ah oo sifiican umuuqda sida qamiiska,cumaamada,koofida, xijaabka iyo waliba indhashareerka dumarka.

W/Q: Sh.Axmed Nuur Macalin IMAM:
Abubakr Islamic Center ,Seattle,
WA Email: Midnimo14@Gmail.com

4 Comments so far

Leave a comment

  1. salamu aleikum
    Sh Ahmed JZKHEYRE, waa warbixin ad u qiimo badan, waxaan kaga fikar duwanahey walalka yiri dadkaas eheladoodu ha u sheegan in ay isaga soo tagaan tulooyinka, xageebey soo adan walalkeyow? mareykanku waa mel nolasheedu adag tahey qofkuna hadii usan shaqeysan ay adag tahey in u ku noolado, marka taas waxaa igala wanaagsaneyn laheyd adiga oo tiraahda dadkaas ha lagu waaniyo in ay wax bartaan si nolashaas u helaan mid ka duwan waa hadii ilaah u qadaree.. cafwan Sheikh Ahmed waan jeclaan lahaa bal in dadka wax uga sheegto magaaloyinka waaweyna waxa ka jira jxkheyre

  2. Jazaakallaahu khayral jazaa Sheykhanaa wa akhuunaa, Ilaahay adiga iyo culumada kale ee safarkaan dacwada u baxay ha xifdiyo iyaga iyo ehelkooodaba. Ilaahay hanoo fududeeyo dacwada iyo u adeegeeda ,hanaga nagu badbaadiyo wadamadaan qurbe ee aan joogno. Waxaan aad ula yaabanahay ninka ku mashquulsan ee aflagaadaynaya, adoon ku mashquulsan siduu dadka wadada hanuunka ugu hagi lahaa. Walaahii qiiro ayuu igu riday markaad tiri magaaladii uu ku noolaa Sh. Sayid Qudbi waa laga ixtiraamaa Muslimiinta oo ay taasna sabab u tahay suluugii wanaagsanaa ee ay ka arkeen mufakirkaas Islaamiga ahaa. Taasi waa sax qofku haduu ka run sheego mabda’a uu aaminsan yahay. Ilaahay Culumada dhammaan hanoo xifdiyo cilmigoodana hanagu anfaco, Allaahuma aamiin.

  3. sh ahmed nuur allah ha ku xifdiyo dadaalka iyo dacwada aad wado allah kaa aqbalo. Culimada halal shaqeeyo allah na hanoo xifdiyo iyo dhamaan muslimiinta kale iyo walaalaha web

  4. As.wr.wbr

    Allaha hakaa abaal mariyo sheekh axmed socdaalkiisa uu ku bixiyay tuulooyinkaas hilibka lagu qalo, iyo warbixintan aysan dad badan ogayn ee uu inoo soo gudbiyay.

    waxaadsa moodaa marka laga tago lunsanaanta ay lunsanyihiin dadkaas, o ah runtii wax aad looga naxo. in culimadii north america ay ka seexdeen dadkaas, badalkeediina ay ku mashquuleen arima aysan waxba kaqaban karin, oo aad uga fog-fog. sida waxa kasocda somaliya.

    Tallo.

    waxaan kula talin lahaa raga dacwada kawada north america, iyo guud ahaan qurbaha, inaad eebbe uga baqdaan masuuliyada iyo xilka idin saaran, oo ay ugu horayso baraarujinta dadka idinku dhaw dhaw ee qurbaha ku baylahsan.,, waxaad isku daydaan inaad qorshe udajisaan, oo aad magacowdaan xubno u xilsaaran howshan, oo aad kula xisaabtan taan.

    Waxaan kaloon kula talin lahaa, ciddii ay qaraabo kajoogto tuulooyinkas inay kula taliyaan sidii ay uga tagi lahaayeen goobahan inkaartu ku dhacday.

    Allow umada u gar-gaar, waxa nagu socda waa waxaan gacmahanaga ku kasbanayee, allow cadowgaaga nooga hiili, allow xaqqa nagu dil, allow culimadeena iyo mujaahidinteenaba noo xifdi.

Leave a comment

*