Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray

March 31, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wafdi uu horkacayo wasiirka horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka, Dag Nabel ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyey  ku-simaha ra’iisul wasaaraha DFKM ahna wasiirka ganacsiga  Ugaas Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Khaliif.

Wafdiga wasiirka horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka, Dag Nabel iyo Wasiirka Ganacsiga ee DFKM ayaa waxay kulan ku yeesheen garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana markii uu soo idlaay kulanka  saxaafada si wadajir ah ula hadlay wasiirka horumarinta dalka Jarmalka iyo wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

no images were found

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha DFKM ah ahna wasiirka ganacsiga  Ugaas Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Khaliif ayaa sheegay in dowlada Jarmalka ay diyaar u tahay in ay caawiso DFKM waxaana ay ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag gaareysa 94-milyan oo dollar.

Wasiirka horumatinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka Dag Nabel oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu yimaado Soomaaliya wuxuuna sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay caawinaad u fidiso DFKM iyo shacabka Soomaaliyeed .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online