Xal laga gaaray Colaadii Qardho iyo Madaxweynaha Puntland oo gaaray Rako-raaxo

March 19, 2012 - Written by

Qardho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa sheegaya in xal laga gaaray colaadii u dhexeysay laba beelood oo walaalo ah kuwaas oo ay dhexmareen dilal ku saleysan aanooyin qabiil.

Waxgaradka iyo Isimada Puntland iyo madax ka tirsan Puntland oo uu horkacayey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro colaad u dhexeysay laba beelood oo wada degan magaalada Qardho.
Wasiirka arimaha Gudaha ee Puntland Gen.C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir) oo la hadlay idaacadda BBC-da kana mid ah wafdiga Madaxweynaha Puntland ee jooga Qardho ayaa sheegay in heshiis laga gaaray dhaqaaqadii ka dhacaday magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u baqoolay deegaanka Rako-raaxo oo ay dagaalo ku dhexmareen laba beelood oo walaalo ah oo wadaaga ardaaga .Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Rako-raaxo waxaana uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo isimida labad beelood ee wax kala tabanaya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online