2 Masuul oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo gaaray Buuraha Golis

April 10, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wararka hordhac ah oo naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobol ka Bari ayaa sheegay in masuul ka tirsanaa Al-shabaab haysana jiray Gobolka Shabeellada dhexe laguna magaacabo Cabdiraxmaan Siiro  iyo wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Cabdul qaadir Muumin maalmo ka hor soo gaareen magaalada Badhan ka dib markii ay ka soo talaabeen dhinac S/lland iyagoo mudo 3 maalmood ahaa ku suganaa magaalada Badhan.

Ilo wareed aan la xiriirnay oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in ay jirto in ay labadaan wadaad oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab ay u suurto gashay in ay soo gaaraan Buuraha Golis , ilaa hadda ma cada sababaha rasmiga ah ee ay  ku soo gaareen 2-da masuul Buuraha Golis balse waxaa la filayaa in ay qayb ka tahay abaabulka iyo diyaar garowga ay rabaan ururka Al-shabaab in dagaal iyo weeraro hor leh ku qaadaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Imaanshaha 2 masuul ee ka tirsan ururka Al-shabaab ay yimaadeen Buuraha Golis ayaa ku soo beegmaysa ka dib khudbad dheer oo uu maalin ka hor Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu ku sheegay in ururka Al.shabaab ay sahan sadeen Buuraha Golis ayna u soo guureen sidaas darteedna laga doonayo dadka degan Buuraha Golis ee lagu soo guuray ee aan wanaag loogu soo guurin iyo dowllada Puntlland ay la dagaalamaan xooggga Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Golis.

Ilo wareedkaan aan waraysanaya ayaa noo sheegay in  xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab ee doonaya in ay soo galaan Buuraha Golis ay soo maraan degaano ay maamulaan S/lland  si sahalana ay markaas ugu soo gudbaan dhinac Sanaag  ka dibna ay u soo talaabaan Buuraha Golis oo ah hadafkooda koowaad . ilaa hadda dad badan ayaa is wiidiinayey sababta ay ururka Al.shabaab ay qarash iyo ciidan ay u soo galinayaan Buuraha Golis xili ay Gobollo badan oo ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya oo ay ka talin jireen ururka Al-shabaab ay qabsadeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Kenyaan oo gacan siinaya ciidamo Soomaali ah.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online