Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab oo sheegay in ay dileen 3sarkaal oo itoobiyaan ah

April 18, 2012 - Written by

Baydhabo:-Afhayeenka  hawlgalada ee ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa maanta sheegay in qaraxii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ay ku dileen 3sarkaal oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee haatan ku sugan Baydhabo.

Sheekh Abu Muscab ayaa sheegay in ay qarxii shalay ay ku dileen sidoo kale askar ka tirsan DFKM mar uu saaka la hadalyey warbaahinta magaalada Muqdisho.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab ayaa sheegay weerarkii shalay in uu qaaday xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya iyo kuwa DFKM.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab Sheekh Abu Muscab ayaa waxaa kale oo uu ka warbixiyey dagaalo ay qaadeen Ciidamada Al-Shabaab gaar ahaan gobalka Bay iyo Bakool wuxuuna sheegay in guulo ka gaareen dhamaan dagaaladii ay qaadeen ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ayaa qaraxii shalay ka dib waxay xirxireen dhalinyaro dhowr ah iyaga oo ku xiray Saldhiga magaalada Baydhabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online