Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday xaruntii hore ee Asluubta

April 3, 2012 - Written by

Muqdisho:Ciidamada Ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan waxay ku qaadeen xaruntii hore ee Asluubta ,Sarkuusta iyo xaafadda Kaxda ee Degmada Dharkenley halkaasi oo ay xarun ku leeyihiin ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM . Dagaalka xalay ayaa ahaa mid aad u culus wuxuuna ku bilaawdey Duqeyn culus oo loo geystay xaruntii hore ee Asluubta waxaana ku xigay dagaal foolka fool ah oo dhex maray ciidamada Al-Shabaab iyo ciidamada DFKM oo ay kaabayaan kuwa AMISOM.

Wariyaha Halgan.net  ee Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid culus wuxuuna dagaalka sababay khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaana la geeyey dhaawaca qaar ka mid ah ciidamada AMISOM xerada Xalane oo ay ku leeyihiin isbitaal weyn.

Sarkaal u hadalay ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay mas’uul dagaalkii xalay wuxuuna sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM waloow ay saraakiisha ciidanka AMISOM ay inkireen .

Dagaal xalay ayaa waxaa sidoo kale ku waxyeeloobay dad rayid ah waxaana ku dhintay wiil yar ka dib markii hoobiye uu ku dhacay xero ay degan yihiin barakacayaasha oo ku taal Ex-control Afgooye

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online