Booqashadii Sh A/qaadir Nuur Faarax iyo Sh Moxamed Shaafici ee Lusaka- Zambia (Warbixin)
April 24, 2012 - Written bySidaan horay u sheegnay waxaa maalinti Arbacada 18/04/2012 booqasho dacwadeed ku soo gaaray wadanka Zambia Caalimka wayn ee Somaaliyeed Sheekh C/Qaadir nuur Faarax iyo Sheekh Mohamed Shaafici iyo ducaad kale Booqa shada culimada ayaa ku timid Codsiyo hore ay jaaliyada iyo ducaada Zambia uga codsa deen gaar ahaan Sheekh C/qaadir oo dhawr jeer oo hore lagu casuumay Zambia inuu soo booqdo laakin aan lagu guulaysan ALLAAH mahadii maanta ayay Rumowday riyadii Ducaada iyo jaaliyada Somaliyeed ee Zambia.
Booqashada culimada ayaa waxaa ku soo biiray ducaad kale oo ka kala yimid wadamo kale sida ingiriiska [England] waxaana ka yimid Sh A/kariim Dacale iyo wadamada dariska la ah Zambia oo ay culimada ka soo booqdeen ducaad kale, sida al ustaad Maxamed Deeq oo ka yimid Wadanka Congo.
Maalimihii khamiista iyo jumcaha culimadu waxay bixinayeen muxaadaraat badan oo meelo kala duwan ka dhacay oo ka mid ah masaajida iyo xarumaha Lusaka ku yaal,Waxaa kaloo garab socday booqashooyin iyo kulamo ay culimada la qaadanaysay qaybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed.
Maalintii Sabtida waxaa kulan wayn oo aad u ballaaran ka dhacay Xarunta Al-ummah oo ah xarunta ugu wayn ay ku leedahay jaaliyada somaliyeed Lusaka, waxaana soo xaadiray dadwayne aad u fara badan oo isugu jira rag iyo Dumar, waxayna muxaadaradaas ka dhacday Masjidka Al-ummah oo ah masjidka ugu wayn ee ay ka dhisto Zambia Jaaliyada somaaliyeed, masaajidkaas oo hada maraya marxaladihiisii ugu dambeeyay ka dib markuu dhagax dhigay sanadkii 2010 Sh Moxamed idriis Ahmed Xafidahulaah oo booqasha dacwadeed ku yimid dalka Zambia.
Waxaa halkaas muxaadro Qiima badan ka soo jeediyay Fadiilat al Sh A/qaadir Nuur Faarax oo ku saabsanayd walaaltinimada iyo qiimaha ay ku leedahay islaamka Shiikhu mawduucaas ayuu aad ugu dheeraaday wuxuuna is bar bar dhigay sida diinteena qiimaha badan ay uga hadashay iyo sida ay maanta ka joogta somalida dhexdeeda.
Wuxuuna sheekhu dul istaagay waxa maanta somaliya ka jira. Muxaadarada ka dib Culimada ayaa guda gashay inay ka jawaabto su,aalihii dadwaynaha Su,aalahaas oo u badnaa arimaha Soomaaliya, Maalintii 2aad ee Axada ayaa kulan kale oo kii ka ballaaran ka dhacay isla Xarunta Al-ummah waxaana aad loo sugayay mawduuca muxaadarada oo ahaa Taariikhda Saxwada ama baraaruga Soomaaliya iyo maraaxishii uu soo maray iyo maanta meesha ay marayso cida sabab u ahayd idinka ALLAAH ka dib inay halkaas gaarto, waxaana si waafi ah u kala dhig dhigay Fadiilatu Sh A/qaadir nuur faarax oo inta badan u soo joogay maraaxishii kala duwanaa ee ay so martay
Muxaadaradaas oo dadwayne boqolaal gaaraya ay ka soo qaybgaleen ayaa aad loogu riyaaqay.
Muxaadaradaas ka dib ayaa dadwayne aad u badan waxay soo jeediyeen in Shiikha laga qoro taariikhdaas Dahabiga ah ee uu Xambaarsanyahay, Anaguna taladaas waxaan u jeedinaynaa ducaada iyo Asxaabul qalinka ay sheekha wada daganyihiin, maadaama anaga uu maalmo nala joogayo, haduu ALLAAH idmo.
Isla maalintii axada Salaada maqrib ka dib waxay culimadu ka galeen muxaadaro kale oo cinwaankeedu ahaa tarbiyada Caruurta waxayna ka dhacday Masjidka Ohan Muxaadaradaad oo ay wada jeediyeen Sh A/qaadir nuur Faarax iyo Sh Mohamed Shaafici.
Duruustaas iyo muxaadaraatkaas waxaa garab socday kalimado aad u Qiima badan oo uu Sh Maxamed Shaafici saalada subax ka dib ka bixinayay Masaajidka Ohan oo muslimiin badan ay soo xaadirayeen.
Subaxdii isniinta salaadii subax ka dib ayay culimada iyo wafdi ballaaran oo la socday u baqooleen caasimada 2aad ee Zambia Ndola halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen ducaada Ndola iyo dadwayne aad u farabadan .
Inshallaah wararkayaga dambe kala soco warbixinta Booqashadii Ndola.
Muxaadaraadka Culumada iyo Masawirada waxaan soo gudbin doonaa Inshalaah
Abdisalan Farah Gas
Lusaka – Zambia

.gif)

