Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF oo sheegay in ay qabsadeen Buurhakaba, iyo Qansaxdheere

April 6, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in  ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ay ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo oo wata gaadiid dagaal ay gaareen Degmada Buurhakabo iyo Qansaxdheere

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buurhakaba oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegaya in Degmada Buurhakabo ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa Soomaali ah oo sheegay in ay daacad u yihiin DFKM wax dagaal ah kama uusan dhicin Degmada Buurhakabo.

 

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho oo xiriir kala duwan la sameeyey Baydhabo ayaa loo xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ay haatan ku sugan yihiin  Degmada Buurhakabo ,Qansaxdheere iyo Duleedka Ufurow

Ciidanka Al-Shabaab ayaa isaga baxay  degmada Buurhakaba iyo Qansaxdheere ee gobolka Bay  iyaga oo dagaalkooda u badalay mid dhuumaaleysi ah.Masuuliinta Ururka Al-Shabaab ayaa ilaa haatan ka hadal wili duulaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ay ku qabsadeen Degmada Buurhakabo , Qansaxdheere

Ciidamada itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa ilaa haatan gabsaday dhowr Degmo oo ka tirsan Bayiyo Bakool waxaana saaka laga soo sheegayaa deegaanka Ufurow iyo Degmada Diinsoor dhiilo colaadeed iyaga oo shacabka Degan ay ka baqayaan in ciidamada Itoobiya ay ku soo Duulaan Degmada Diinsoor.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online