Ciidamada Kenya iyo kuwa DFKM oo lagu weeraray Deegaanka Ceelcad ee gobalka Gedo

April 27, 2012 - Written by

Gedo:-Dagaalo xoogan ayaa maanta mar kale waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel cade oo ka tirsan gobalka Gedo waxaana dagaalka uu dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab dagaalka ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay labada dhinac.

Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay fashilliyeen duulaan ay rabeen ciidamada dalka Kenya oo daba ka riixaya ciidamo daacad u ah DFKM wuxuuna sheegay in ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen.

Abu Muscab ayaa sheegay sidoo kale in gubeen gawaari nuuca tiknikada ah oo ay wateen ciidamada DFKM ayna dileen askar ka tirsan DFKM .

Afhayeen u hadalay ciidamada DFKM oo lagu magacaabo Diyaad Cabdi kaliil ayaa sheegay in dagaalkii maanta dhacay deegaanka Ceelcad ay guulo ka gaareen wuxuuna ku faanay in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Al-Shabaab waloow uu qiray in askar ka tirsan DFKM uu khasaaro soo gaaray.

Deegaanka Ceelcad oo aan waxbadan ka fogeyn degmada Garbaharay ayaa waxaa ka dhaca dagaalo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab iyada oo dhowr mar ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay  duqeyn ka geysteen.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online