Ciidamo ka tirsan AMISOM oo maanta la geeyey magaalada Baydhabo

April 5, 2012 - Written by

Baydhabo:-Ciidamo tirsan AMISOM oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 100 askari ayaa maanta waxaa la geeyey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ,ciidanka AMISOM ee maanta tegay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ciidamo ka socda dalka Ugaandha iyo Burundi.

Sarkaal ka tirsan ciidanka AMISOM Jen. Audace Nduwumunsi oo saxaafada la hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidanka AMISOM ee maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ay hordhac u yihiin ciidamo ka socod AMISOM oo la qorsheeyey in la geeyeyo magaalada Baydhabo iyo Beledweyne,  Ciidanka AMISOM ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaa soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM oo iyagu hadda gacanta ku haya magaalada Baydhabo.

Jen. Audace Nduwumunsi  ayaa sheegay in ay maanta talaabo weyn ay horay u qaadeen oo ay ciidamo ka tiran Midowga afrika ay geeyeen magaalada Baydhabo ayna qorshaynayaan in ay gobollada kale ee dalka ay geeyaan si ay gacan u siiyaan DFKM  una balaariyaan howl galka ay ciidanka AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan u hadlay ciidanka AMISOM Jen. Audace Nduwumunsi  ayaa ku faanay in ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM  ay si wada jira ah u wiiqeen awoodii ciidanka ururka Al-shabaab ayna ka qabsadeen Gobollo badan oo ay gacanta ku hayeen, ilaa hadda ma cada goobta ay ciidanka AMISOM ay ka dhigan doonaa Saldhig  balse waxaa jira oo dad badan ogyihiin in ciidanka Itoobiya ay yihiin kuwa iyagu qabsaday magaalada Baydhabo iyo Beledweyne iyagoo gacan siinaya ciidamo soomaali ah oo taageersan DFKM balse wata magacyo kale duwan.

Ciidanka AMISOM ayaa iyagu waxaa ay la daalaa dhacayaan weeraro iyo qaraxyo ay ku ekeeyaan ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo iyagu sheegay in ay wax ka bedeleen qaabkii ay dagaalka u wadeen si ay khasaaro xooggan ay u gaarsiiyaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM oo uu ka dhex socdo dagaal adag.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online