Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo oo qabtay nin sitay walxa qarxa

April 25, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku guulaystay saaka in ay gacanta ku dhigaan nin dhalinyaro ah oo sitay walxaha qarax xili uu ninkaan marayey meel aan sidaas uga  fogeyn Dugsiga sare ee Cumar samatar iyo xarunta Maamulka Gobolka Mudug. Ciidanka Booliska ayaa arrinkaan u sahla naatay ka dib markii xog ay haleen ay ku howl galeen sida ilo xogogaal ah oo ku sugan Gaalkacyo ay u sheegeen Halgan.net , ninka dhalinyarada ah ee la qabtay saaka ayaa waxaa loo dhaadhiciyey Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo iyadoo hadda ay baaritaan ku hayaan saraakiil ka tirsan ciidanka Sirdoonka Puntlland ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/Sarre Jaamac Maxmed Axmed oo safar shaqo ku jooga magaalada Garoowe ayaa saxaafada u sheegay in lagu soo wargeliyey falka fashilmay ee saaka ay ku qabteen ciidanka Booliska ninkaan dhalinyarada ah ee sitay walxaha qarxay , Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/Sarre Jaamac Maxmed Axmed ayaa xusay in hadda baaritaan uu socodo si deg deg ahna ninkaan loo soo taagi doono Maxkamada si dhaqso ah.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/Sarre Jaamac Maxmed Axmed ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Puntlland dhamaan gaar ahaan bulshada ku nool magaalada Gaalakacyo in ay ka foojignaadaan falalka amaanka wax loogu dhimayo, magaalada Gaalakacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa soo hagaagayey amaankeed ka dib markii ay ka istaageen qaraxyada iyo dilalka qorshayn ee lala beegsan jiray dadka wax ku oolka ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online