Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dacdarraysan Xabsi ku yaal magaalada Cadan

April 30, 2012 - Written by

Cadan:-Dhallinyaro Somali ah oo tiradoodu tahay Soddon iyo Siddeed (38), ayaa ku tabaalaysan xabsiga Mansura ee ku yaal magaalada Cadan ee dalka Yemen. Maxaabistan oo marar kala duwan la soo qabtay, ayaa kooxdii ugu dambeysey waxaa la soo xiray bishii January 7, 2012. Kooxdan oo tiradoodu ahayd lix, ayaa markii la keenay xabsiga waxaa ku jiray nin mayd ah iyo nin dhaawac ah oo laba xabadood lugta midig kaga soo dhaceen.

Habeenkii bishan April ay ahayd 15 ( April 15, 2012), xabado ay askartu ku fureen maxaabiis gadooday, waxaa ku dhaawacmay laba Somali ah, sida uu ii sheegay nin u hadlayey maxaabiista Somalida ee ku xiran Xabsiga. Maxaabiistan ayaa baqdin siyaado ahi la soo daristay, ka dib markii maamulka xabsiga ay la wareegeen ciidamo Military ah, oo kala wareegay maamulkii xabsiga Booliiskii gacanta ku hayn jiray. Sida uu ii sheegay mid ka mid ah maxaabiista, dadkii ajnabiga ahaa ee xabsigaas ku xirraa, marka laga reebo Somalida, waxaa u soo gurmadey Safaaradahoodii, waxay ii sheegeen Ethiopiankii kula xirnaa xabsiga in masuuliyiin ka socota Safaaradda ay u yimaadeen lana baxeen.

Maxaabiistan Soomaaliyeed ayaa xabsigoodu u dhaxeeyaa shan (5) sano illaa toban Sano (10).

  • Kooxdii u horreysey oo ka kooban 12, waxaa la soo xiray bishii December 13, 2008, waxaana soo qabtay markab ay leeyihiin ciidamada badda ee dawladda Hindiya, waxaana laga soo qabtay, sida uu ii sheegay ninkaa u hadlayey maxaabiista, biyaha Soomaaliya. Kooxdan ayaa ku xukuman Shan Sano (5) sano, waxayna kala yihiin:

1.       Ahmed Kaylaco Geed-gale, Majerten, Esse Mohamud, Bah-Awrtable

2.       Ahmed Abdullahi Musse, Majerten, Esse Mohamud, HassanUgaar

3.       Abshir Salad Abdi – Shoohiro, Majerten, Esse Mohamud, reer Samakab

4.       Abdinur Dahir Mohamed Gardilaanshe, Majerten, Esse Mohamud, Ahmed Khayr

5.       Esse Ahmed Du’ale, Majerten, Esse Mohamud, Hassan Idris

6.       Saeed Jama Mohamud, Majerten, Esse Mohamud, Ahmed Khayr

7.       Ahmed Yussuf Yassin, Majerten, Omar Mohamud, reer Ali Mohamed

8.       Ahmed Salah Ahmed, Arab Salah

9.       Sarhan Hassan Warfa, Majerten, Biciidyahan, reer Wacays

10.   Falastin Mohamud Nur, Warsabgali, Aden Saeed

11.   Abdirahman Esse Shire, Majerten, Osman Mohamud, Amir Mohamed

12.   Mohamed Abshir Mohamed, Majerten, Ali Saleban, Omar Ali.

  • Kooxdan 2aad oo ka kooban toban (10), waxaa la soo xiray bishii February 10, 2009. Waxaa soo qabtaay markab ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Ruushka. Dhammaantood waxay ku xukumanyihiin toban (10) Sano, waxayna kala yihiin:

1.       Abdiazis Esse Musse, Majerten, Osman Mohamud,  Ismail Mohamed

2.       Osman Mohamud Esse Samantar, Majerten, Osman Mohamud, Musse Suldan

3.       Osman Yussuf Saeed, Majerten, Osman Mohamud, Bah Yaaqub

4.       Mohamud Ismail Mohamed, Majerten, Osman Mohamud, Musse Suldan

5.       Abdirashid Jama Aden, Majerten, Osman Mohamud, Ismail Mohamed

6.       Musse Esse Ali Mohamud, Majerten, Osman Mohamud, Ismail Mohamed

7.       Muhiyadin Mohamed Ali (waa dhaawac), Ugaden, reer Abdulle

8.       Abdulqadir Ali Hersi, Majerten, Esse Mohamud, Ahmed Khayr

9.       Abdi Jama Mohamed, Majerten, Ammanle, Geel Wanagle

10.   Saeed Abdullahi Hersi, Majerten, Kaski-qabe

  • Kooxda 3aad oo ka kooban sagaal (9), waxaa la soo qabtay bishii October 14, 2009, waxaan soo qabtay Ciidanka Ilaalada Badde ee Dawladda Yemen, waxay ka soo qabteen biyaha Yemen. Waxay kooxdani ku xukuman yihiin shan (5) sano, waxyna kala yihiin:

1.       Ahemd Warsame Mohamed, Warsangeli, reer Haji

2.       Ibrahim Saeed Mohamed, Warsangeli, reer Haji

3.       Mustafe Abdi Musse, Warsangeli, reer Haji

4.       Abdullahi Ahmed Abdi, Warsangeli reer Haji

5.       Ahmed Ali Dalmar, Warsangeli, reer Salah

6.       Mohamed Ahmed Mohamud, Warsageli, reer Salah

7.       Hassan Musse Mohamed, Warsangeli, Aden Saeed

8.       Abdullahi Hassan Mohamed, Warsangeli, Aden Saeed

9.       Ahmed Mohamed Salah, Majerten, Esse Mohamud, Hassan Idris

  • Kooxadn 4aad oo tiradoodu ahayd lix (6), waxaa la soo xiray bishii November 14, 2009, waxaana soo qabtay Ciidanka Ilaalada Badda ee Dawladda Yemen, waxayna ka soo qabteen Gacanka Cadmeed. Dhammantood,Xukunkoodu waxuu ahaa Shan (5) sano, waxaase imminka xbsiga ku haray hal nin, intii kalena waa la sii daayey, sida uu ii sheegay ninkii u hadlayey maxaabiista, waxayna ka layihiin:

1.       Geelle Ali Salah, Dir (reer Las Qorey), wali waa uu xiran yahay

2.       Dahir Yussuf Farah, Majerten, Omar Mohamud, reer Mahad (waa la siidaayey)

3.       Mohamud Yussud Adde, Hawiye, Abgal (waa la siidaayey)

4.       Faysal Ismail Mohamed, Hawiye, Abgal

5.       Abdirizak Osman Ibrahim, Warsangeli

6.       Mohamed Abdi Gacal, Majerten, Ammaanle

  • Kooxdan 5aad oo ka kooban lix (6), waxaa loo yaqaan koodii soo caardiday, sida uu ii sheegay ninka maxaabiista u hadlayey. Waxaa la soo xiray bishii January 7, 2012, waxaana laga soo qabtay Xeebaha Cadmeed. Kooxdan markii la keenay xabdiga, nin ka mid ah maxaabiista MEYD buu ahaa, mid kalena Dhaawac buu ahaa, sida la ii sheegay. Magayada maxaabiistu waa:

1.       Abdirhaman Saeed Mohamed (waa ninka dhintay), Majerten, Omar Mohamud, reer Mahad.

2.       Abdikhadar Hassan Farah (dhaawac culus, lugta midig), Majerten, Omar Mohamud, reer Mahad

3.       Mohamed Hassan Yassin (waa dhaawac), Majerten, Omar Mohamud, Mohamed Omar

4.       Burhan Abdi-nur Abshir (waa Dhaawac Fudud), Majerten, Omar Mohamud, reer Abdulle

5.       Mahad Mohamud Awad, Majerten, Omar Mohamud, reer Khalaf

6.       Mahad Mohaud Hassan, Majerten, Omar Mohamud, reer Abdulle.

Tirada guud ee Maxaabiista Somaliyeed ee burcad-badeednimada ugu xiran xabsiyada dalka Yemen, ayaa gaareysa 129, halka 123 ka mid ahi ay xukuman yihiin, sida ku cad warbixintii UNODC ee Sept/Oct 2011.

Waxaa iyana dhab ah, in qaar ka mid ah lagu xukumay dil, qaarkalena ay ku xukuman yihiin Xabsi Daa’in.

Waxa warbixintan soo Diyaariyey,

Abdirizak Mohamed Dirir (Ducaysane)

Agaasimaha Guud ee la Dagaalanka Burcad-badeedda

Dawladda Puntland ee Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online