Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystaya deegaano ka tirsan Degmada Garbahaaray

April 2, 2012 - Written by

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqayn ka geys teen deegaanka lagu magacaabo Deelay oo ka tirsan degmada Garbahaaray ee Gobolka Gedo. Diyaaradaha  geys tay duqeynta ayaa la sheegayaa in ay ka qayb qaateen dagaal u dhexeeyeye ciidamo taageersan DFKM oo gacan ka helay ciidanka dalka Kenya iyo ciidanka Al-shabaab oo iyagu lahaa weerarka.

Saraakiil u hadlay ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradahooda ay weerareen fariisamo ay ku sugnaayeen ciidanka urur ka Al-shabaab ayna khasaaro gaarsiiyeen, dhinac ciidanka taageersan DFKM ayaa iyagu ilaa hadda ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka ay maanta ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ku qaadeen fariisamo ay ku wada sugnaayeen ciidanka DFKM iyo kuwa dalka Kenya.

Saraakiisha ciidanka ururka Al-shabaab ayaan iyaguna weli dhinacooda ka hadal dagaalka dhacay iyo weliba diyaaradaha duqeynta ka geys tay deegaanka Deelay ee ka tirsan degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. Ma ah markii ugu horeysay ee diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka geystaan Gobolka Gedo iyo weliba Gobolka Jubada Hoose oo ay dagaalo iyo iska horimaad iska caabin ah kala kulmeen ciidanka ururka Al-shabaab ee gacanta ku haya weli degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online