Faahfaahin ka soo baxaysa Bam lagu weeraray Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi

April 29, 2012 - Written by

Nairobi:-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar Bam oo saaka lagu qaaday Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaas oo sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu danbeeyey oo ay warbaahinta caalamiga u sheegaan saraakiisha nabad sugida ee dalka Kenya ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay 15 kalana ay ku dhaawac meen iyada oo dhaawaca qaarkiis uu aad u liito .Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in weerarka saaka loo adeegsaday Bam kuwa gacan ta laga tuuro ah waxaana goobta ka baxsaday kooxihii weerarka ku qaaday Kaniisada.

Afhayeenka booliska ee dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira cidii ka danbeysay weerarka saaka wuxuuna qiray  in kooxihii weerarka ka dambeeyay ay baxsadeen. Ma jirto cid sheegatay ilaa haatan mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Kaniisada waloow ay saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ay sheegeen in ay rumeysan yihiin in weerarka uu xiriir la leeyahay fara galinta ciidamada Kenya ay ku hayaan gobalada J/hoose iyo Gedo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online