Faahfaahin ka soo baxday dilkii Wariye Mahad Salaad oo shalay lagu dilay Beledweyne

April 6, 2012 - Written by

Hiiraan:-Waxaa shalay galabta lagu dilay magalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Mahad Salaad Aadan oo wariye u ahaa Idaacada Shabeelle ee ka howl gasha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya , Allaha u naxariistee Wariye Mahad Salaad  ayaa waxaa la dilay xili uu ku sugnaa meel u dhow gurigii uu degaan oo yaal Xaafada Howl Wadaag.

Nin dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bistool oo ku sugayey meel u dhow gurigii uu degaan Wariye Mahad Salaad ayaa dhowr xabadood ku dhuftay Wariye Mahad taas oo markii danbe uu u geeriyooday ,  Dadweyne ku dhawaa goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa ay ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraa u tilmaameen goobta uu u baxay ninka dilka geystay taas oo sababtay in ninka dhalinyarada ah ee dilka fuliyey ay dagaalmaan ciidanka ilaa uu ka dhinto.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe Cagajoof oo xalay kula hadlay saxaafada magaalada Beled weyne ayaa sheegay in ciidanka maamulka Beledweyne ay isku dayeen in ay nolosha ku qabtaan nin dhalinyaro ah ee dilay wariye Mahad Salaad ka dibna uu ninkaas dagaalamay ilaa la dilo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa ku eedeyey in dilka Wariye Mahad Salaad Aadan ay ka danbeeyaan ciidanka ururka Al-shabaab isagoo sheegay in ciidankiisu ay ka hortegi doonaa cid walba oo doonaysa in ay dilaan wariyaasha iyo cid weliba oo ku nool magaalada Beledweyne.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online