Faahfaahin Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay

April 9, 2012 - Written by

Baydhabo:-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay qaraxaas ayaa waxaa lagu weeararay ciidamo ka tirsan DFKM kuwaas oo marayey suuq ku yaalla bartamaha magaalada Baydhaba gaar ahaan qaybta qudaarta iyo hilibka .

Qaraxa Miinada ayaa waxaa uu khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac soo gaarsiiyey ciidamo ka tirsan DFKM iyo dad rayid ah oo suuqa ku sugnaa waxaan ay ilaa haatan ay dhimashadu gaareysaa ilaa 13 qof waxaana dhaawaca uu sii marayaa ilaa 30 kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa eedeyn u soo jeediyey Ururka Al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay shaqo ka dhigteen in ay laayaan dadka dhacabka .

Sidoo kale Raisulwasaaraha DFKM Cabdiweli maxamed Gaas ayaa isgana ka hadlay caawa qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada Itoobiya  iyo kuwa DFKM  waxaana sidoo kale gaaray isbuucii la soo dhaafay 100 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online