Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Aden oo gaaray magaalada Baydhabo

April 7, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha baarlamaanka ee DFKM Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay .Gudoomiyaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo maamulka gobalka iyo kan Degmada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya taliyaha ciidanka booliska DFKM Shariif Shiiqunaa Maye, Saraakil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka DFKM oo ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Macalin Tall iyo ku xigeenkiisa ayaa galabta gaaray Degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Maamulka .Bishii Maarso ee la soo dhaafay ayey ahayd markii ay ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo kaabaya kuwa DFKM ay qabsadeen Degmada Xudur iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobalada Bay iyo Bakool.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online