La jiranka xidigo Ahlu-cilmiga ka mid ah W/Q Sh Abdullahi Haji Cabdi suldaan

April 5, 2012 - Written by

Hordhac:- Mahad oo dhan waxaa naga mudan Illaahay SWT. Illaahayga noogu nicmeeyay nicmooyinka aan la soo koobi Karin. (وما بكم من نعمة فمن الله)Intaa kadib nolashu waa sheeko iyo shaahid, inbadan waxaan maqli jiray ama aan kutubta ku arki jiray faa,iidada ay leedahay isku lamaaninta  ahlucilmiga iyo cilimi kanuugidooda, waxaanse si dhab ah u dhadhamiyay intii u dhaxeeysay  01 -15 maarso 2012

Aydooy  maalintu tahay Axad taariikhduna ay tahay 19tii febraayo 2012,  ayaan waxaan teleefoon u diray fadiilatu Sheeikh Maxamuud Shibli xafidahullaah oo ku sugnaa magaalada Nairobi, laakiin nasiib daro sheekha isma aanan helin. Danta aan sheekha u wacay waxay ahayd inaan ka codsado inuu ii soo diro buxuuth cilimi ah oo uu sheekhu leeyahay si aan Masar ugu daabaco.

Halkaan ka Akhri maqaalka oo carabi ah qaybta 1aad    Halkaan ka Akhri maqaalka oo carabi ah qaybta 2aad

Waxyar kadib waxaan fariin gaabanoo  qoraal ah ka helay sheikh Shibli,  fariintu waxay u qorneeyd sidan “Anigaa insha Allaahu caawa ku soo wici doono”  saacadda oo markaa tilmaamaysay  19.30 xilliga Qaahira, anna aan ku suganahay  masjidka Bilaal inbu Rabaax oo  ku yaala degmada madiinatu Nasri ee caasimada wadanka Masar, gaar ahaan xaafadda 8aad, ayuu teleefoonkii sheekha ii soo dhacay.

Fariin qaali ah: (Sabtida ayaan insha Allaahu Qaahira imanaynaa)

Waxaa i soo wacay fadiilatu sheikh Maxamuud Shibli laftiisiiba.  Arintaas waa arin aan horey ugu aqaanay sheekha xafidahullaah, waana arin in looga daydo mudan. Wuxuu qof kasta qiyaasi karaa waqtiga sheekha iyo mas,uuliyadda uu ummadda u hayo, laakiin arintaasi kama aysan mashquulinin inuu sheekhu ardadiisa xiriiriyo. (teleefoon ama e-mail)

Waxba yaanan hadal idiin dhalandhoolinine, salaam iyo isbariidin kadib, waxaan sheekha ugu bandhigay dantii aan ka lahaa iyo codsigeeygii, kadibna wuxuu ii raaciyay  fadiilatuhu hadal aan is idhi waaba kaaf-iyo-kaladheere yidhina:   “Aniga ayaa sabtida Qaahira iman doono insha Allaah, rasaa,ilka aad codsatayna horaan kuugu soo qaadi doonaa”

Waxaa i saaqay farxad  aanan hadda cabiri karin, anigoo farxadaas la jaqwareersan ayaan si hal-haleel ah sheekha u weydiiyay  “Makaligaabaa mase waa lagula socdaa” ? Wuxuuna iigu jawaabay waxaa ila socda culimo kale asagoo carabka ku dhuftay Saaxibul fadiilah: Sh. Maxamed Cabdi Umal.

Farxadaydii ayaa aad u sii koradhay. Maxabbadda iyo u hiloowga la kulanka ahlul-cilmiga ma aha mid la bar-bardhigi karo wax kale. Sidaa awgeed waxaa aad iila fogaatay sabtidii. Sekannadii waxay ila noqdeen saacado, maalmihii waxay iila mid noqdeen bilo, usbuuciina sidoo kale sanad.

Akhristoow adiga iska daaye aniga lafteeyda ayaan cabirri karin hilowga, hamuunyada iyo oonka aan culimada u qabay. Inbadan oo kamid ah  bahweyna soomaaliyeed ee reer Qaahirana ila mid ayay ahaayeen.

Kadib aniga oo dhagafiigsan ayaa waxaan ka warhelay inay culimadii yimaadeen Masar ayna u gudbeen maagaalada Elexandaria oo ah caasimada labaad ee wadanka masar.

Wafdiga Culimadu waxuu ka koobnaa: Asxaabal fadiilah:

  • · Dr. Maxamed Sh. Cismaan
  • · Sh. Maxamed Cabdi Umal
  • ·Sh. Maxamuud Maxamed Shibli.
  • ·Iyo Sh. Axmed Suudaani iyo Sh. C/rizaaq  oo dib ka yimid.

Hadaan wax yar idinka siiyo ujeedada ugu weyn ee booqashada culimadu waxay ahayd martiqaad ay ka heleen dhigooda kale ee reer Masar, gaar ahaan culimada reer Elexandaria, si loo wadaago isbarasho iyo is-kaashi dacwadeed.

Arintaasna muhimadda ay leedahay cidna kama qarsoona, laakiin anaga haddaan reer Qaahira nahay waxay nagu noqotay fool xanuun badan oo anagoo markii horaba culimada sugi la’ayn yeey isbarashadoodii waxay qaadatay muddo todobaad ah, nabarkaas iyo xanuunkaasi wuxuu faa,iido u noqday reer Elexandaria, xaalkanaguna wuxuu noqday:  (مصائب قوم عند قوم فوائد)  

Qorshe dhicisoobay:

Aniga iyo saaxiibadayda kala ah: C/qaadir Axmed Ducaale (Shaadli), Dr. Maxamed C/qaadir Macalim (Kutub) iyo Dr. C/qani Xussein Ismaa,ciil (Gaceeyte) waxaan isku daynay inaan duulaan qarsoon ku qaadno Elexandaria, si’aan bal calal aqal  aan mar un culimada indhaha uga soo buuxsano una soo salaano, laakiin waxaa na fashiliyay nin saaxiibkana ah oo qorshahaan damacsanayn culimadi si kamma ah ugu sheegay, kadibna  uu ka dhashay amar ah in aanaan soo bixin karin illaa inta uu ka dhamaanayo qorsha culimada ee ku adaan Elexendaria. Qorshihii markuu naga fashilmay waxaan miciin badnay sabirka iyo farta oo la qaniino.

Waxaan qatanaanaba xiligii quudkanagaa yimid , oo waxaan habeenimadii sabtidii oo ku beganeeyd 01.03.2012 aan xidigihii sarsareeyay indhaha qac isku siinay, goobta kulankuna waxay ahayd magaalada 6. Oktobar oo ay Soomaali badani degan tahay.

Inkastoo uu qalbigaygu markii horaba u dhawaa culimada oo la wadiiqe ahaa, haddana waxaan wax loo dhigo laheyn markuu jirku u dhawaaday culimaduu jeclaa.

Akhritaayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow aniga oo idin sii wadi doona meesha ay sheekadu ku biyo shubato ayaan hadda jeclahay inaan idiinku joojiyo halkan.  والحمد لله الَّذي بنعمته تتم الصَّالحات

Lasoco qormooyinka soo socdo insha Allaah oo aan waxyaabo badan uga hadli doono.

W/Q: Abdullahi Haji Abisuldaan
Qaahira, Masar

2 Comments so far

Leave a comment

  1. maansha allaah waa qoraal aad udhiirigalineyso dhalabul cilmi.haday dhalabul cilmigu saas culumadooda qiimo,jacayl iyo hilow uqabi lahaayeen wxey noqon lahaayeen kuwa illaahay uu jecelyahy.walaalkey allaah hausiyaadsho

  2. mashaaalh sida qiirada leh ee aad qoraalka nogu so bandhigtay Ilahay ajar haka siiyo waxan rajaynaya qaybaha ka dhiman qoralkaga inadan nagala daahin ama carabi ha ahato ama somali jazakalaahu canna kulall khier

Leave a comment

*