Madaxweynaha DFKM oo booqday maanta qeybo ka mid ah Degmada Dayniile

April 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh  Ahmed ayaa maanta kormeer ku tagay Difaacyada hore ee ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin Degmada Dayniile

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa ka codsaday ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM in ay weeraraan deegaanada Ceelasha biyaha iyo Degmada Afgooye wuxuuna eedeeyn u soo jeediyey Ururka Al-Shabaab isaga oo sheegay in ay afduub u haystaan dadka ku dhaqan Ceelasha biyaha .

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey wasiiru dowlaha wasaaradda G/dhiga  Maxamuud Macallin Nuur iyo ciidanka DFKM Gen Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhago-badan) iyo saraakiil sare o ka tirsan ciidanka AMISOM .Jen Dhagabadan ayaa ku faanay in ay dhawaan tagi doonaan gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe .

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa laba goor ku fashilmay in ay xoog ku qabsadaan waxaana ka soo gaaray khasaaro balaaran iyada oo laga dilay ciidanka Burundi 100 askari waxaana laga dhaawac tiro intaas ka badan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online