Madaxweyne Shariif Sheekh oo magacaabay gudi wada hadal la furi doona Maamulka S/land
April 14, 2012 - Written by
Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiiro ah oo wada hadal la furaya Maamulka Somaliland waxaana gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee C/samad Macalin Maxamuud waxaana uu madaxweynaha u dhoofay intaas ka dib dalka itoobiya.
Gudiga wadahadalka la gali doona Maamulka S/land ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee DFKM C/laahi Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda , Wasiirka howlaha guud guryeyenta waxaana ay la shaqeyn doonaan wasiirka arimaha gudaha ee DFKM gudiga ayaa ka koobnaan doona ilaa 7 xubnood .
Wasiiro dowladaha arrimaha dibadda oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha DFKM u raacay dalka Itoobiya ayaa sheegay in DFKM ay fulinayso qodobadii ka soo baxay shirkii London kaas oo qodobkiisa lixaad uu ahaa in ay wadahadal la furaan Maamulka S/land.
Madaxweynaha DFKM ayaa haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

