Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo la kulmey Michael Hasenau

April 16, 2012 - Written by

Waxaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntlland wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka safiirka dalka Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Michael Hasenau,wafdiga safiir ku xigeenka Michael Hasenau ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey  xubno ka tirsan 2 gole ee dowllada Puntlland.

Safiir ku xigeenka  dalka Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalka soomaaliya Michael Hasenau ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada ee dowllada Puntlland waxaan uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire, xubno ka tirsan Golaha wasiirada , xilibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntlland.

Kulanka dhexmaray madaxda Puntlland iyo  safiir ku xigeenka  dalka Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Michael Hasenau ayaa waxa ka qayb galay isku xiraha Qaramada midoobay u qaabilsan la dagaalanka Burcadbadeedka Mr.Alan Cole la taliyaha dhinac saxaafada  UNODC  Weyne Miller iyo madaxa qaybta dhisitaanka hay,adda UNOPS Eng.Trevor Sway.

Socdaalka wafdigaan ayaa waxaa uu salka ku hayaa sidii ay ula socon lahaayeen arrimaha la dagaalka burcadbadeedka iyo siddii qarasha lacageed oo lagula dagaalamo burcadbadeedka loogu deeqi lahaa dowllada Puntlland si barmaamijka la dagaalanka burcadbadeedka uu u dhaqan galo, Madaxda Puntlland ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore ay ka codsadeen Qaramada midoobay in laga taageero dhisitaanka ciidanka badda iyo weliba ciidan dhulka kula dagaalama kooxaha burcadbadeedka balse codsigaas ayaa in badan waxaa ka cagajiidayey Hay,adda la dagaalka Burcadbadeedka u qaabilsan UN-ka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online