Madaxweynaha Puntland oo shalay ka qeyb galay kulan ka dhacay Jaamacada PSU

April 7, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxaweynaha Puntland ayaa shalay ka qaybgalay kulan balaaran oo ka dhacay Jamacadda PSU ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaa kale oo kulanka ka soo qeyb galay  xubno ka tirsan labada gole ee Puntland , Ardayda Jamacaddaha PSU iyo Bariga africa ee ku yaal magaaladda Garoowe, Siyaasiyiin,aqoonyahan & marti kale oo badan .

Kualnaka Shalay ayaa waxaa soo qabanqaaabiyey TV Somalisat  kulanka ayaa waxaa uu u jeedadooda ahaa in su,aalo lagu weydiiyo madaxweynaha Puntland Cabdi raxmaan Maxamed Faroole waxaana su.aalo laga weydiiyey madaxweynaha Puntlan ka mid ahaa Nidaamka Geedi socodka siyaasadeed ee Puntland  ,Dastuurkauu yeelanayso,Dhaqaalaha ka soo xarooda kaabayaasha dhaqaale ,Xuduudaha Puntland,Shidaalka ,Burcadbadeeda amaanka iyo arimo kale oo tiro badan.

no images were found

Ardaydii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa su,aalo kala duwan weydiiye waxaana su,aalaha ay ahaayeen kuwa toos loo weydiinayo madaxada Puntland waxaana xoogga lagu saaray amaanka Puntland iyada oo dhaliil loo soo jeediyey qaar ka tirsan askarta Puntland .

Kulanka shalay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire , gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre iyo qaar kamid ah golaha wasaaradaha Puntland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga ,wasiirka waxbarashada,wasiirka maaliyada  iyo wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga.

Kualanka shalay ayaa madaxweynaha Puntland uu eedeeyn u soo jeediyey hogaanka Ururka al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay masuul ka yihiin dilkii Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan alaha u naxariistee iyo dilal kala duwan oo ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen amaanka Boosaaso iyo Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag amaan daro ka waday magaalooyinkaas wuxuuna balan qaaday in maxkamada la horkeeni doono dhawaan.

Hadal heynta ugu badan oo ka socda Deegaanada Puntland ayaa waxay tahay sanadka loogu daray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole taas oo ay saluugeen siyaasiyiin uu damac ka hayo in ay qabtaan madaxtinimada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online