Mutamarkii Islaamiga oo weli si habsami leh uga socda magaalada Oslo (Daawo)

April 7, 2012 - Written by

Oslo:-Waxaa si habsami leh maalintii 3aad uga socda Magaalada Oslo Caasimada Dalka Norway Mu,tamarkii 10aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Norway oo Sanadlaha Ahaa, kaasoo uu soo qaban qaabiyo Masjidka Tawfiiq ee ku yaal Oslo. Mu,tamarka ama shirweynaha oo sanadkan halkudheggiisu yahay( وكونوا عبادا اخوانا ) macneheeduna yahay, ( noqda addooma ilaahay oo walaala ah), wuxuuna bilawday maalintii khamiista ee bisha April 5, waxaana lagu bilaabay Muxaadaro halku dheggaas xambaarsan oo uu Jeediyey Sh. Maxamed Idris saacaddu markey ahayd 11.00 am subaxnimo, maalintii khamiista, kadibna waxaa si is daba jooga u socda ilaa hadda muxaadarooyinka ay jeedinayeen Culimada shirka kasoo qayb gashay.

Culimada shirka muxaadaraadka ka bixinaysa ayaa waxaa ay kala yihiin

Sh. Maxamed idris. (Maraykanka)
Sh. Mustafe xaaji ismaaciil. (Norway)
Sh. Dr Cali M Salax. (Norway)
Sh. Maxamed cumar dirir. (Hargeysa)
Sh. Cabdiweli sh. Maxamed xaaji yusuf. (Malaysia )
Sh. Saciid raage. (Canada)
Sh. Bashiir shiil. (Canada)
Sh. Yusuf Axmed. (Sweden)
Sh. Abdiraxman Abyad. (Denmark)

Muxaadarooyinka shirka ka baxay ilaa hadda waxaa ka mid ah, muxaadarada Al walaa wal baraa Sh. Abdiraxman Abyad, qisadii tataarka Sh. Mustafe xaaji ismaciil, iyo muxaadarooyin badan oo weli socda, maalin kastana bilawda 10.30 am ilaa 20.30 pm habeenimo..

Shirweynaha waxaa lagu qabtay goob garoonka kubadda cagta oo laga taagey teendho weyn oo qaadda ilaa 5 kun oo qof, isla markaana leh meel la seexdo iyo meelo ciyaalku ku ciyaaraan, waxaana kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo 3000 kor u dhaafay, kana kala yimi, Norway, Sweden iyo Denmark iyo dalal kale oo yurub ka mid ah.

Sh. Dr Cali Maxamed Saalax Imaamka/khadiibka Masjidka Tawfiiq, Oslo, ayaan weydiiney sida uu u arko shirweynaha sanadkan iyo hanaan socodkiisa ? Wuxuuna ku jawaabey Sheekhu: ((Shirka sanadkan waxaan filayaa inuu ahaanayo kii ugu dad badnaa gaar ahaan da’ yarta ku barbaaray wadamadan aan degganahay. runtii mawaadiicda iyo culimada kasoo qayb gashay waxay ahaayeen kuwo dadweynuhu aad ula dheceen. Waxa aad u qurxiyey waxaa ay ahaayeen meesha sanadkan lagu qabtay oo ahayd meel aad iyo aad u waasica oo dadku ay ka mabsuudeen..)).

Shirka ayaa lagu wadaa inuu soo gaba gaboobo maalinta axadda ee 8 April, inshallaahu iyadoo isla mar ahaantaasna lagu soo bandhigay shirka maalinka sabtida horumarka laga gaaray Mashruucii Masjidka Tawfiiq, Oslo, oo dhismihiisa cusub uu marayo dabaqii saddexaad, kaasoo ka koobnaan doona dhamaadkiisa inshallaah 6 dabaq, kuna yaal bartamaha magaalada Oslo..waxaana lagu wadaa in Masjidka cusub la furo inshallaahu 30 Sept 2012..

Waxaan alle uga baryeynaa culumada ka soo qeyb gashay Mutmarka Norway oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Masjidka Al-tawfiiq in uu janada ku abaal mariyo anagana naga dhigo kuwii ka faa,iideysta oo diintooda iyo caruurtooda ku xifdiya diinta Islaaamka   Aaaaaamiin.

 

 

Halgan.net
Oslo, Norway

3 Comments so far

Leave a comment

  1. maansha alaah alaha inagu anfaco culimada maxaadiradooda waa inaan qaadana waxay inoo sheegayaan una ducaynaa maasha alaah laakiin waxaan ubaahanay maxadaro kahadlaysa QABYAALAD IYO DHIBAATADEED wayo waxaa halkaa soomalidhigay waa qabyaalad iyo cunsuriyad waxaan mana arag sh sifiican uga hadlaya QABYYLAD waana mahadsantin ,,,,wa alayaqan dagan norway

  2. maansha allah waa mutamar aad uqaaliya waxaanan halkan uga hanbalyeynayaa culimadii soo qaban qaabisay shirka iyo dadwaynaha islaamka ah ee iskugu yimi mutamarkan waxaanan leeyahay illahay ha inagu anfaco idinka iyo anagaba muxaadarooyinkaa qaaliga ah ee ay culimadu inoo soo diyaariyeen iyagana illahay ha kaga abaal mariyo jano amiin amin amin insha allahu

  3. mansha allaah alaah hanooxafo culumad soomaaliyee waa intaan in in aanlasheeg waxaan kufaana
    baarakallaah

Leave a comment

*