Mutamarkii10aad ee Oslo oo si habsami leh uga socda dalka Norway(Warbixin)

April 5, 2012 - Written by

Oslo:-Mutamarkii 10aad ee sanad walba lagu qaban jiray magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway ayaa maanta si habsami leh waxaa uu uga furmay magalada Oslo waxaama ka soo qeyb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid wadamada Denmark,Sweden ,iyo Norway oo lagu qabanayo.  Dadweynaha ka soo qeyb galay Mutamarka ayaa waxaa baraamij iyo meelaha ay seexan lahaayeen waxaa u diyaariyey walaalaha Maamulka Masjidka Al-Tawfiiq oo si wanaagsan u soo dhaweeyey shacabka ka kala yimid meel aad u kala fog .

Mutamarka ayaa waxaa furay Maamulka Masjidka Al-Tawfiiq ee magaalada Oslo waxaana ay ka warameen qaabka uu soconayo Mutamar ka waxayana gacmo furan ku soo dhaweeyeen culimada ka qeybgaleysa Mutamarka iyo dhamaan dadweynihii soo camiray majliska khayrka ah oo maanta bilaawday .

Muxaadaradii ugu horeysay ayaa waxaa bilaabay Sheekh Maxamed Idirs Axmed xafidahulaah waxaana ay muxaadaradiisa ku saabsaneyd
Midooba oo ha kala tegina oo runtii ahaa mowduuc muhiim ah oo ay maanta u baahan yihiin umada Islaamka ah ee lagu imtixaaray kala qobqobnaata iyo khilaaf.

Sheekh Maxamed Idirs Ahmed ayaa aaad ugu dheeraaday Ahmiyada Midnimada Islaamka isaga oo soo sardiyey adilooyinn aad u tiro badan waxaana uu kula dardaarmay umad Soomaaliyeed in ay midoobaan oo alle u laabtaan.Muxaadaradii Labaad ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Sheekh C/raxmaan Abyad xafidahulaah waxaana uu Sheekh  C/raxmaan ka hadlay mowduuc muhiim ah  oo ah Xiriirinta iyo gooynta Allah dartii ku saleeysan isaga oo si wanaagsan u faahfaahiyey .

Sheekh C/raxmaan Abyada ayaa sheegay in mowduuca walaa walbaraa uu yahay mid muhiim ah qofkii ka leexda dariiqa ahlu sunahana uu khatar u yahay in uu halaagsamo isaga oo tusaale u soo qaatay qof walihiisii oo dhan gaal siiyey iyo qof walihiisii ku soo koobay  koox ka dibna ka ratibay axkaam.

Muxaadaradii 3aad ayaa waxaa galay Sheekhena Sheekh Yuusuf Ahmed allaha dhowree waxaana uu si wanaagsan uga hadlay alle ka cabsi ga iyo miisaanka ay ku leedahay diinta Islaamka .Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in qof kasta looga baahan yahay in uu alle ka baqo meel kasta uu joogo uuna u diyaargaroobo xisaab iyo geeri.

Muxaadarada 4aad ayaa waxaa haatan galay Sheekh  Maxamed Cumar Dirir xafidahulaah oo socdaal dacwadeed ku yimid dalka Norway wuxuuna ka hadli doonaa inshalaah  Todobada wax halaagta.

Culumada ka soo qeyb gashay Mutamarka Sanadkan waxay kala yihiin

1-Sh. Maxamed  idris Ahmed -Sucuudiga
2-Sh  Maxamed Cumar dirir Hargaysa Somalia
3-Sh Dr. Axmed daahir Aweys Somaliya
4-Sh  Yuusuf Axmed Sweden
5-Sh Mustafe X. ismaaciil Somalia
6-Sh Cabdiraxmaan  Abyad Denmark
7-Sh Bashiir Shiil Canada
8-Sh Dr. Cali Maxamed Saalax Norway
9-Sh Siciid Raage UK
10-Sh C/wali Sh. Mohamed Malaysia

Jadwalka Mutamarka hoos ka eeg  JADWALKA Mutamarka 10aad ee ka socda Oslo Norway.

Muxaadaraadka culumada ay ka jeediyaan Mutamarka 10aad ee ka socda Oslo Halgan.net waxay idiin soo gudbin doontaa iyada oo cod ah hadii alle idmo.

Halgan.net
Oslo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. jazaakumullaahu bahda halgan.net ilaahay ha idin barakeeyo doorka aad kaga jirtaan dacwada, waa la hubaa inaad qayb libaax ka qaadateen dacwada salafka ee soomaaliya meel kastooy tahay iyadoo xilliyadaan dambe ay la kulantay tacaddiyo kuwii ugu darnaa oo ay kala kulantay kooxaha afkaarta marin habawsan wata ee kusoo kordhay saaxada waddanka maanta geed dheer iyo mid gaabanna u fuulay inay afduubaan dacwadii saafifida ahayd ee shacabka soomaaliyeed ka biyo cabbayey 40kii sano ee ugu dambeysay.

    Ilaahay ha barakeeyo camalkiina waaba barakeeyaye, waxaan la yaabey oo aan reer halgan credit ballaaran ku siiyey (ilaahay agtiisana saan rajeyneyno u yaalla) sida aan jiif iyo joogga lahayn ee ay isugu hawleen inay dacwada salafka ka saafi yeelaan wax walboo tashwiih galin karey oo isku dayey inay ka weeciyaan jidkii ay haysatey, waxaan marka leeyahay noo jira oo noo jooga si kheyr ler, ilaahayna ha badiyo amthaashiinna, halkaasna kaga haya waa xaqiiqo in zabadku tegi doono iyo daadxoortu dadkana ay usoo hari doonaan biyaha saafiga ag…wa jzkmllaahu khyran wabrkllahu fiikum.

Leave a comment

*