Nadwo 10aad oo caawa ka bilaabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari(warbixin)

April 19, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa caawa bacdal Maqrib ka bilaawday Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Nadwo cilmiyeed sanadla ah oo la qabto sanad walba bishan oo kale waxaana cinwaanka nadwada loogu magac daray (الدعوة السلفية في الصومال نحو انطلاقة رشيدة)waxaana Nadwada ka dhacay Masjidka Weyn ee Al-Rowda .

Nadwadan ayaa waxaa ka qeyb gali doona culumo ku sugan dhamaan Bosaaso  iyada oo habeen walba bacdal Maqri ay ka bixi doonto hal muxaadaro ,caawa ayaa waxaa muxaadarada ugu horeysay jeediyey  Fadiilat Sheekh Bashiir Ahmed Salaad waxaana uu ka hadlay .Manhajka Islaax wataqyiir Cinda Ahlu suna waljamaaca .

Nadwadan ayaa socon doonta  mudo Todobo casho ah kana bilabaneysa 19-4-2012 kuna ekaan doonta 26-4-2012 , nadwada ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Culimo kala duwan

Nadwada waxaa si rasmi ah u furay xidhiidhiyaha nadwada Sheekh Faarax Maxamed Cajab saacadu Markey ahayd 6:27PM (Makka Time or GMT+3hrs), hadalka furitaanka ah ka dib waxaa Aayaad quraan ah akhriyay C/raxmaan C/waaxid Deeq , kadib waxaa kalmada furitiinka logu soo dhaweeyay Sheekh Xasan Xuseen Maxamed.

Sheekh Xasan Xuseen waxa uu ugu horeyn sheegay in dadka muslimka ah looga baahan yahay in ay ka faa’iideysataan arimahadooda diineed waxa qof kastaa laga doonayaana ay tahay in uu Diinta Alle SW ay tahay in uu u qaato sida ay tahay waxa dadka oo dhan laga doonayaana ay ugu horeyso u gar gaaridda iyo sare u qaadida Diinta Alle ,Sheekhu waxa uu Alle ka baryay in kheyra iyo wanaaga dadka waafajiyo wuxuna si gaar ah ugu mahad celiyay gudiga soo qaban qaabiyay kulan cilmiyeedka inta uu socdo iyo kuwii horey u soo qaban qaabin jirayba .

Klamada labaad waxa la siyay Sheekh C/rashiid Sheekh Saalax ,ugu horeyn waxa uu sheegay in ay sharaf u tahay laguna karaameeyay ka qeyb galidda furidda nadwada caawa ,kadib waxa uu sheegay in waanada iyo wax isku sheegiddu ay tahay midda kaliya ee dadku wax isugu sheegi karayaan  waxa dadka laga doonayaana ay tahay in ay qaataan waxa loo sheego kuna camal falaan.

Kadib intaa waxa uu Sheekh Faarax Maxamed Cajab faah faahin kooban ka bixiyay xiligii ay soo bilaabatay Nadwooyinkii lagu qabtay   masjidka Al Rowda taasi oo soo bilaabatay sanadii 2003-dii wuxuuna si guud uga hadlay mowduucyadii looga hadlay kulan cilmiyeedyadii hore ama la soo gudbay ilaa iyo laga soo gaadho tan caawa oo ah tii tobnaad.

Nadwada ayaa waxaa si toos ah u tabinayay Idaacadaha Daljir Iyo Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Al Xikma xarumaheeda kala duwan iyadoo si toos ah loogala socday magaalooyin gaadhaya 15 Magaalada oo ay ka mid ahaayeen Gaalkacyo Qardho iyo Bosaaso laf ahanteeda , sidaa oo kale waxa ay dadku si toos ah u soo wacayeen Tilfoon masjidka lagu xidhay oo ay si toos ah uga dhageysan kareen Nawada oo maqal toos ah , dhanka TV-yada Satellite ka ee Soomaalida waxaa joogay tabinteeda ka qeyb qaatay TV-ga SomaliSat iyo S24(Royal TV) ,sidaa oo kale dhanka Website-yada waxaa wada joogay Raxanreeb , Horseed Media , Somalimirror iyo Halgan net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online