Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socotay Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso oo gashay habeenkiii labaad

April 20, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maalintii labaad ka socota masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Nadwo cilmiyeedkii 10-aad oo ay ka qayb galayaan culimo iyo ducaad kale duwan , Nadwada caawa oo gashay habeenkii labaad ayaa waxaa dhagaysanaya dad weynaha iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolks Bari.

Culimada ka qayb galaysa Nadwada ka socota Boosaaso ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad  oo shalay jeediyey darsigii ugu horeeyey isagoo uu Sheekh Dr. Bashiir Axmed Salaad uga hadlay  Mowduuc ciwaankiisu ahaa (منهج الأصلاح و التغيير عندأهل السنة و الجماعة ) wuxuna ugu horeyn fasiradaad cilmiyaysan ku sameeyay mowduuca oo uu ku sheegay in uu noqonayo Manhajka Wanaajinta iyo badalidda ee Ahlu Suna wal Jamaaca.

Dr Sheekh Bashiir Ahmed Salaad waxaa uu si guud dulmar ugu sameeyay Mowduca iyo dhinacyada uu taabanayo wuxuna xusay in Manjahka Ahlu Sunna wal Jamacad uu yahay mid gundhigiisu yahay howshii Ambiyadda Alle loo wakiishay ama loo soo dhiibay oo ah in ay dadka Diinta Alle gaadhsiiyaan .

Muxaadarada caawa oo haatan socota ayaa waxaa soo jeedinaya Sheekh Ahmed cabdi Samed iyo Sheekh Maxamed Macalin.

Muxaadarada caawa oo cod ah iyo warbixin teed  dib idinkaga soo tabin doonaa haddii alle idmo

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online