Nadwo cilmiyeedkii 10aad ee ka socotay magaalada Boosaaso oo Bayaan laga soo saaray(Dhageyso)

April 23, 2012 - Written by

Boosaaso:-Nadwo cilmiyeedkii 10aad ee ka socotay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa caawa la soo afmeeray iyada oo ay Nadwadan ay ka soo qeyb galeen culimo kala duwan waxaana ay shacabkii ka soo qeyb galay Nadwada u jeedsheen tawjiihaad iyo muxaadarooyin kala duwan Nadwada ayaa bilaaabtay 19-04-2012-waxaana la soo afmeeray caawa 22-04-2112.Nadwada ayaa waxaa laga soo saaray Bayaan waxaana akhriyey Sheekh Cabdi Qani Qorane.

Baaqa Gunaanadka Nadwada 10-aad ee Boosaaso

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh, nabadgalyo iyo ammaanna nabigeennii Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ku raacda tan iyo qiyaamaha dushooda ha ahaato.

Intaa ka dib waxaan naftayada iyo dadkayagaba u dardaarmaynaa cabsida Alle goor walba iyo meel kasta, waxaana ku baaqaynaa arrimaha soo socda.

Dacwada iyo Ducaadda:

1)-Waxaan usoo jeedineynaa dadka ku abtirsada dacwada salafiga ah inay ka run sheegaan qabsashada kitaabka iyo sunnada, kuna dhaqmaan manhajkii Salafka caqiido ahaan, cibaado ahaan, dacwa ahaan iyo akhlaaq ahaan intaba.

2)-Waxaan ugu baaqeynaa culimada iyo ducaadda inay xoojiyaan faafinta manhajkii salafka ee xagga dacwada, ka fogaanshaha gaalaysiinta muslimiinta, la dhaqanka maamullada iyo dhacdooyinka ugubka ah (Nawaazisha), iyo xoojinta ku xirnaanta culimada.

3)-Waxaan caddaynaynaa in gaalaysiinta muslimiinta iyo bannaysiga dhiiggoodu uusan waafaqsanayn waddadii nabiga, taas oo ah mid uu ummaddiisa uga sii digay, isla markaana aan waafqasanayn dhaqankii salafka iyo culumada muslimiinta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaan uga digeynaa inay ku dagmaan afkaartaas.

4)-Waxaan ugu baaqeynaa dadka ku hawlan faafinta dacwada inay xoojiyaan walaalnimadooda, iskaashigooda iyo midaynta mawaaqiftooda, isla markaana ay si gaara isaga kaashadaan xal u helista mashaakilka ummadda haysta.

Ummadda Muslimka ah:

5)-Waxaan ugu baaqeynaa ummadda muslimka ah inay gutaan xilka ka saaran diintooda barasho ahaan, dhaqan ahaan iyo faafin ahaanba oo aysan kaalintooda uga gaabin  khaladyo magaca diineed lagu galay dartood.

6)-Waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digeynaa dagaallada sokeeye iyo dhiigga ku daadanaya magaca qabiil, diineed iyo siyaasadeed ama danaysi, wixii khilaaf ahna lagu xalliyo shareecada islaamka oo ina amraysa in khilaafka ummadda lagu xalliyo wadahadal, is-af garad iyo isu tanaasul.

7)-Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa ka hortagga burcad-badeedda oo dhibaatooyin farabadan u soo jiiday dalka, diinta, dadka iyo sharaftaba, lana joojiyo anshax- xumada iyo fusuqa ay dalka keeneen burcaddaasi, sida: daroogada, sinada, dilka, fowdada iyo dhaqandoorinta. Waxaan kaloo caddaynaynaa inay xaaraam tahay in lagula macaamilo dadkaas xoolaha boolida ah ee ay haystaan.

Hoggaanka Soomaaliyeed:

8)-Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan madaxbannaanida, islaamnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, una hawlgalaan sidii talada dalka loogu dhiibi lahaa dad kulansaday karti iyo amaano.

Dhallinyarada:

9)-Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada soomaaliyeed inay ku dadaalaan barashada cilmiga diinta iyo kan maaddigaba, ayna aad uga fakaraan sidii ay diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba u hormarin lahaayeen iyaga oo ka dabqaadanaya culimada iyo ducaadda, waxaana uga digeynaa inay ku kadsoomaan afkaarta iyo dhaqammada xunxun ee lagu burburinayo diinta, dadka iyo dalkaba, sida: gaalo-raacnimada, burcadnimada iyo afkaaraha qalloocan ee shaatiga diineed la huwiyey.

Dumarka:

10)-Dumarka oo lafdhabar u ah nolosha iyo jiritaanka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan barbaarinta jiilasha mustaqbalka waxaa lagu hayaa olole ba’an oo lagu bartilmaameedsanayo baabi’inta diintooda iyo sharaftooda, lagagana leexinayo furinta weyn ee ay kaga aaddan yihiin bulshada. Haddaba waxaan ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan shirqoolada loo maleegayo, ayna ogaadaan in aysan jirin cid Rabbigood iyo rasuulkooda uga naxariis badan, iyo cid ehelkooda uga dhow oo u danaynaysa.

Ganacsatada:

11)-Ganacsatada waxaan u dardaarmaynaa cabdsida Ilaahay iyo inay u turaan shacabkooda oo aanay u keenin ama ka iibin dawooyin iyo cuntooyin dhacay ama xumaaday ama tayadoodu liidato. Waxaan kale oo uga digaynaa ka ganacsiga badeecooyin wax u dhimaya diinta iyo sharafta.

Jaaliyadaha:

12)-Waxaan ugu baaqeynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool inay ku fara adeygaan diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan, ayna dib ugu soo noqdaan dalkooda ama dalalka kale ee muslimiinta; si ay ubadkooda uga badbaadiyaan gaalnimo iyo dhalan-gaddoon maskaxeed, waxaana ku adkeyneynaa inay ku xirnaadaan Maraakizta Islaamiga ah ee ku yaal waddammada ay joogaan.

Beesha caalamka:

13)-Waxaan ugu baaqeynaa dadka aan muslimka aheyn shucuub iyo xukuumadaba in aysan ku kadsoomin muuqaalka foosha xun ee  warbaahinta qaarkeed ka bixineyso diinta islaamka iyo muslimiinta, isla markaana ay joojiyaan dhibaatooyinka iyo faragalinta ay ku hayaan muslimiinta.

14) -Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha dalka ku soo galay magaca samafal ee  la ogaaday in qaarkood ay ku howlan yihiin waxyaalo kasoo horjeeda diinta iyo anshaxa suubban ee dadka Soomaaliyeed inay ka waantoobaan arrimahaas, shacabka Soomaaliyeedna waa inay ku baraarugaan, kana digtoonaadaan fasaadka ay wadaan hay’adahaas.

15)-Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay shacabka Soomaaliyeed ku caawiyaan sidii uu mashaakilkiisa u xallin lahaa, isla markaana laga waantoobo ku danaysiga qaddiyadda Soomaaliyeed iyo waxyeelleynteeda.

Gabagabo:

Gabagabadii waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu diinta inaku sugo, ummadda Soomaaliyeedna ka dulqaado dhibaatooyiinka ragaadiyay, uuna waafajiyo danahooda adduun iyo aakhiro, isaga uun baa arrintaas awoodee..

Culimada Ka qaybgashay Nadwada:

1.    Sh. Bashiir Axmed Salaad
2.    Sh. Yuusuf Aadam Maxamed
3.    Sh. Daahir Aw-Cabdi Yoonis
4.    Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
5.    Sh. Maxamed Macalin Axmed
6.    Sh. Cabdiqani Xuseen Maxamed
7.    Sh. Axmed C/Samad Cabdille
8.    Sh. C/Qani Qorane Maxamed
9.    Dr. Saadaq M’ed Axmed (Eenow)
10.    Sh. C/Raxmaan M’ed Dhowre (Bukhaari)
11.    Sh. Xasan Xuseen
12.    Dr. C/Rashiid Sh. Saalax.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Bayaan..mp3]

Ama Halkan

M_M Deeq
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Bismillaah , Alxamdulillaah , wasalaatu wasalaamu calaa rasulilaah ,

    Asalaamu calaykom , walaalayaal waxaan aad ugu faraxsanahay oo aad sidoo kale aad u soo dhawaynayanaa bayaanka ka soo baxay culumada soomaaliyeed qaar ahaana walaalheena Salafiyiinta gaar ahaan jamaacatul ictisaam. oo aan dhihi karno waa mid ka mid ah garabkada muhiimka ah ay ku dhisan tahay dacwada islaamka ee geeska africa . runti waana u mahad celinaynaa booska ay buuxiyeen .. dhamanteen waxaa uu waajib naga saaran yahay umada islamaka in aan khyarka iyo wanaaga ka caawino .. kaalintaas aad qaadateena waa mid dhamanten waajib na saaran aad naga rideen .. jazaakum allaahu khyaran dhamaaan culumadii halkasi ka hadashay iyo kuwii ka soo qayb galay .
    w

  2. WAXAAN KUFARAX SANAHAY BARAARUGA CULIMADA IYO DHAMAAN WAXGARADKA UMADA SOMALIYED WAAYO UMADA WAA IN WAXLOO CADEEYO HADIIKALE WAYJAAH WAREERAYAAN.WAXAAN KACODSANAYA DADKA INAY OGAADAAN IN CULIMADU YIHIIN INDHIHII UMDA ULANA NOQDAAN WAXAY GARAN WAAYAN WAAYO IN DHA LA AAN WAA IFTIIN LA AAN ALAW CULIMADA NOOBAD BAADI.AAMIIN

  3. Mansha,allaah Allow noo dhowr Culimada Sharwadayashana nooga qabo…. Aamiin…

  4. a.w.w
    mansha’alah waa soo idlaatay nadwadii wanaag badana waa laga dhaxlay
    alllah hanaga dhigo ku ku waanaga qaata kheeyr kii farahabadnaa ee culimada noo sheegeen iyagana alaah hawku bedelo ajarfarabadan amiin culimadu waa dadalayan shacabkana waxaa laraba in ay diinta u nusreeyaan
    waxna ka dhegeeystaan culimada rabaaniyiinta ah ee aan madaxnimo doonayan ee shaqadoodu tahay faafinta diinta islaamka jazaakumulaah kheyr dhaman culimada

Leave a comment

*